Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo joojisay bixinta Liisamada Macdanta

0
42

Hargeysa(Hubaal) Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta bishii sagaalaad ee sanadkan joojisay bixinta Liisamada Macdanta sida ku cad Wareegto uu wasiirka Wasaaraddaasi Eng: Xuseen Cabdi Ducaale 01/09/2014-ka, taasoo Tixraaceedu yahay WT&M/01-493/14.

Joojinta Bixinta Liisamada Macdanta waxa uu wasiirka Macdantu ku sababeeyey inay dib u eegis ku samaynayaan Liisamada ay bixiyeen, isagoo xusay in amarkani shaqayn doono illaa sanadka cusub ee 2015-ka

Ujeedo: Joojin Bixinta Liisamada Macdanta

Mudanayaal,

Wasiirka-MacdantaSidaad la socotaan Wasaaradda Tamarta & Macdantu waxay bixisaa Liisamada kala duwan ee macdanta oo ay ka mid yihiin:-

  1. Dealer License (Iibiye iyo Iibsade)
  2. Prospective License (Sahanka)
  3. Exlusive License (Liisan khaas ah)
  4. Mining License (Macdan qodis)

Sidaa darteed, markuu arkay wasiirku qaabka iyo sida imika ay ku bixiso Wasaaraddu Liisamada waxa uu qaraar ku gaadhay in la joojiyo dhamaan Liisamada nooc kasta oo ay yihiin muddo inta sanadkan 2014 ka hadhay illaa uu ka bilaabmayo sanadka 2015, si dib u eegis iyo wax ka badal loogu sameeyo Liisamada.

Hadaba waxaan farayaa Agaasimaha Guud in uu dhaqan galiyo wareegtadan marka ay soo gaadho.

Digreetadan oo sida cad uu wasiirku dhaqan geliyey ayaa si rasmi ah loo hirgaliyey, waxaana la filayaa sanadka cusub in wasaaraddu wax ka bedel ku samayso Liisamada Macdanta ee ay bixin jirtay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here