Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Bulshada Ugu Baaqday inay ka taxadiraan waxyeellada Roob Dabeylo Wata Oo Waaxda Saadaasha Hawadu Sheegtay Inuu Ku Soo Wajahan yahay Gobollada Qaar

0
19

Wasiir Seed Oo Hortegay Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiillada Iyo Nuxurka Qodobadii Uu Ka Xog-Waramay

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka Wasaarada horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa daboolka ka qaaday in roobab dabeylo wataan bilaha soo socda ka da’ayaan qaybo kamida Gobolada dalka. Sida caadiga ah Bisha October waxa curanaya Roobabka Dayrta oo ka da’a Gobolada Bariga iyo Dhulka Oogada ku yaalla. Axmed Muumin Seed oo wariyeyaasha la hadlay markii uu dhamaystay kulan xog-waraysi ah oo uu la yeeshay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, kuna wehelinayeen xubno kamida madaxda waaxyaha Wasaarada, ayaa bulshada ugu baaqay inay ka faa’idaystaan biyaha Roobka, kana taxadiraan waxyeellada dabeylaha roobabka la saadaaliyey wataan. Deegaamo kamida Gobolka Sanaag ayaa Roobabku ka curteen 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa sheegay in maalmaha soo socda isbedel dhanka cimilada ah la dareemi doono “sida ay sheegeen waaxda Saadaasha Hawadu maalmaha soo socda waxa iyadana kulayl badan noqon doonta cadceeda”ayuu yidhi Wasiir Muumin.

Geesta kale waxa uu tilmaamay inay Guddida Baarlamanka ee joogtada ah ka qanciyeen wixii ay su’aallo qabeen ee la xidhiidhay wax soosaarka dalka. “waxaanu u balanay xildhibaanada inaanu maalinta Axadda geyno Mashruuca ugu dhow ee ay wasaarada Beeruhu ka hir-gelisay Banka Wajaale” ayuu raaciyey.

Wasaarada Beeraha  ayaa kamida xafiisyada ugu dhaqdhaqaaqa badan ee laga dareemayo isbedelka hogaamineed ee dalka ka dhacay horaantii sanadkan, waxaanay bilihii u dambeeyey  gobolada dalka ka hir-geliyeen Mashaariic waaweyn oo wax-soo-saar.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here