Wargeyska HUBAAL Oo Helay Liiska Mudaneyaasha Ku Hirdamaya Buuxinta Jagada Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada

0
269

Akhri: Xildhibaanada Hungurigu Ka Hayo Kursiga Uu Baashe Ka Dallacay+ Magacyada Illaa Hadda Gudbiyey Araajidooda  Iyo Wararkii u dambeeyey ee Hirdanka loogu jiro jagadaasi

Hargeysa (Hubaal) – Loolanka loogu jiro Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland, ayaa meel xaasaasiya maraya, waxana isa soo taraya Xildhibaanada u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada ee uu banneeyey Baashe Maxamed Faarax oo loo doortay guddomiyaha golahaasi. mXildhibaano gaadhay todoba xildhibaan, ayaa la sheegay in ay gudbiyeen codsiga ay ku dalbayaan in ay ugu tartamayaan guddoomiye xigeenka koowaad, kuwaas oo isgu jira xidhibaanada ka soo jeeda Gobolka Awdal iyo kuwo ka soo jeeda gobolada dhexe ee dalka, halka ay sidoo kale jiraan xildhibaano kale oo la sheegay in ay soo gudbin doonaan codsiga tartanka jagadaasi ku xigeenka koowaad.

Magacyada Xildhibaanada la sheegay in ay gudbiyeen araajidooda tartanka guddoomiye ku xigeenka koowaad, ayaa waxa ay kala yihiin.

Xildhibaan Xasan Karaama Hufane

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)

Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin (Casood)

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/raxman Dheere)

Xildhibaan Maxauud Dhunkaal Guutaale (Qoor)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here