Hargeysa(Hubaal)-Wargeyska Gulf News ee ka soo baxa dalka Imaaraadka carabta, ayaa maanta baahiyey qormo xiiso badan oo ku saabsan taariikhda soo jireenka ah aataarta qadiimiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa xigatay maqaalka Gulf News daabacay shalay Jimcihii oo ciwaan looga dhigay “Laas Geel: Dhaxalka ugu wanaagsan Dunida.”
Majaladda Gulf News waxay bayaamisay in xarunta aataarta qadiimiga ah ee Laasgeel oo ku taalla Somaliland ay tahay goob qadiimi ah oo jirtay muddo kumanaan sannadood ah, waxaanu intaas ku daray in godadka Laasgeel ay yaalaan dhagaxaan waaweyn oo si xeel dheer loogu bal-ballaadhiyey sawirada dad, xoolo iyo xayawaan kale oo ay ka mid yihiin lo’ iyo Geri.
Wargeysku wuxuu intaas raaciyey in Aataarta qadiimiga ah ee Laas-geel la moodo inay jireen boqolaal sannadood, hase ahaatee waxay jiraan shan kun oo sanno illaa toddoba kun oo sannadood.
Gulf News wuxuu tilmaamay in goobta qadiimiga ah ee Laasgeel ay daahfureen sannadkii 2002-dii cilmi-baadheyaal ka socday dalka Faransiiska.
Prof. Axmed Ducaale Jaamac oo ah madaxa qaybta Arkiyoolajiga ee wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Somaliland ayaa sheegay in aataartani u muuqato inay jireen saddex kun oo sannadood ciise hortii. Prof. Ducaale waxa uu xaqiijiyey inay aataarta Somaliland aqoonsi uga raadinayaan Hay’adda UNESCO.
“Waxaan hayaa maskaxdii, hase ahaatee uma hayo xoogii lagu dhaqaajin lahaa aataarta qadiimiga ah. waxa kaloo aan hayaa maskaxdii balse ma hayo awoodii maadaama ay dadku ku hawlan yihiin meelo kale,”ayuu yidhi Prof. Ducaale.
Wargeysku wuxuu ku soo gabagabeeyey warbixintiisa in bishiiba 100 qof oo dalxiiseyaal ah booqdaan Laasgeel, waxaanu tilmaamay in haddii la soo horumariyo ay Somaliland ka heli doonto dhaqaale xad dhaaf ah oo dhinaca dalxiiska ah.