Hargeysa:(Hubaal)-Ku dhowaad 200 oo wariyaal mareykana ah ayaa lafilayaa in Madaxweyne Obama kuso weheliyaan safarkiisa uu ku imanayo dalka kenya, waaxda dalxiiska ee Kenya ayaa sheegatay in imaashada wariyayaashan ay kor uqadeyso kobaca dalxiiska.
130 wariyaal oo ah qeybta ugu horeysa ayaa lafilayaa iney kasoo dagaan garoonka caalamiga Jomokenyaata subaxa jimcaha saacaddu markey tahay 6:00am .
qeybta labaad oo ka kooban 50-wariyaal ayaa sidoo kale iman doona isla jimcaha galinka danbe, wararaka ayaa intaasi kudaraya in wariyaasha qaar raaci doonan madaxweyne Obama qaarka kalane raaci doonan marwada madaxweynaha mr Michelle iyo gabdhihiisa Malia iyo Sasha.
sidoo kale waxaa la filayaa in madaxweyne Obama uu booqdo goobaha dalxiiska balse lama shaacin meesha uu boooqon doono
wariyayaal kale oo dalka iyo qaarada Afrika ka imanaya ayaa la filayaa in ay toos utabiyaan goobaha shirarka iyo qudbaduhu ka dhacayaan.
Dhanka kale waxa madaxweyne Obama safarkiisan uu ku imanayo wadanka Kenya ay u tahay farxad gaar ah Ayeeydii Aabo oo iyadu sheegtay inay aad ugu sii diyaar garawday imaanshiyaha wiilka ay ayeeyda u tahay ee Obama oo ah madaxweynaha dalka Maraykanka oo qudhiisa la filayo inuu booqdo goobta ay ayeeydii ku nooshahay oo xusuus gaar ah u leh.
madaxweyne Uhuru Kenyaatta oo shacabkiisa la hadlay ayaa codsaday in Madaxweynaha iyo waftigiisa si diirran oo heer sare ah loosoo dhaweeyo.