War-saxaafadeed Goor Dhawayd Ka Soo Baxay Dawladda Djibouti Oo Ku Saabsan Dhacdadii Maanta+ Daawo sawirrada Khasaaraha Dhaawaca Ay Ciidammadu Ku Mireen Dibad-baxayaasha
War-saxaafadeed Goor Dhawayd Ka Soo Baxay Dawladda Djibouti Oo Ku Saabsan Dhacdadii Maanta+ Daawo sawirrada: Khasaaraha Xiisadda Jabbuuti Iyo Dhaawaca Ay Ciidammada Dawladdu Ku Mirtay Dibad-baxayaasha
Djibouti (Hubaal)- Warsaxaafadeed qoraal ah oo goor dhawayd ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jibouti, oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradaasi Xasan Cumar Maxamed, ayaa lagu sheegay in dad siyaaro ku dhigganayay duleedka magaalada Belbela, ay ku soo dhuunteen Toban nin oo hubaysan, taas oo keentay in ay ciidamada ammaanka isku dhacaan, waxaana warsaxaafadeedkaa lagu xusay in ay dhacdadan ku dhaawacmeen sagaal qof oo uu ku jiro laba xiddigle Lagu magacaabo Abukar Maxamuud Adan, oo ka tirsan ciidamada ammaanka dalkaasi, Sidoo kale, waxa war saxaafadeedkan lagu sheegay in ay arrintan ka danbeeyeen dad war xumaa tashiil ah oo gacan ka helaya dad dibadaha jooga oo looga dan leeyahay in lagu khalkahliyo amniga dalka, waa sida warsaxaafadeedka lagu xusaye.
Warsaxaafadeedkan waxa kale oo lagu sheegay in ay ciidamada ammaanku gacanta ku soo dhigeen todoba qof oo la tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin dhacadadan, waxaana hada socda hawlgalo baadhitaano ah oo ay wadaan ciidamada ammaanku.
Geesta kale, Isbahaysiga mucaaridka dalka Jibouti, ayaa masuuliyada dhacdadan dhabarka u saaray dawlada Jibouti. Guddoomiye Ku Xigeenka Isbahaysiga Dallada Mucaaradka ee Jibouti, ee USN, Cumar Cilmi Khayare, oo waraysi siiyay idaacad VOA-da, ayaa sheegay in dhimashada dadka ku dhintay rabshadahani ay tahay 19 qof.