War-murtiyeed Walaacsan Oo Maraykanku Kaga Hadlay Dibad-baxyada Rabshadaysan Ee Itoobiya Ka Socda

0
60

“Waxanu  Mudaharaadayaasha U Soo Jeedinaynaa Inay Wada-Hadal Furan ku Aqbalaan  Oo Ka Dheeraadaan Gacan-Ka-Hadalka”Toner_Mark_200_1

Hargeysa:(Hubaal)-War-murtiyeed saxaafadda loogu talo galay oo laga soo saaray Xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka u qaabilsan, ayaa lagaga hadlay  iska hor imaadyada rabshadaha wata ee socda gobolka oromiya ee dalka Ethiopia. Wasaaradda arrimaha dibaddu waxa ay muujisay sida ay uga xuntahay dhibaatooyin ay sheegtay in lagu hayo qoomiyadda Oromada ah ee dalka Ethiopia ku dhaqan, “ Dawladda Maraykanku waxa ay ka  walaacsan tahay isku dhacyada ka socda Gobolka Oromiya ee dalka Ethiopia, taas oo keentay dhimashada tiro mudaharaadayaal ahaa. aad baanu ugu xunnahay dhimashada dhacday, waxana aanu tacsi u diraynaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen, dadkii geeriyooday.” Ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.  Waxa lagula taliyey Dawladda Ethiopia inay ixtiraamto dadka dareenkooda muujinaya ee mudaharaadaya, waxana loogu baaqay inay wada-hadal furto, iyadoo mudaharaadayaashana farriin gaar ah loo diray,   “Waxanu ku boorrinaynaa Xukuumadda Ethiopia inay tixgeliso mudaharaadyada salmiga ah oo ay furto wada-hadal midho dhal ah looga doodo cabashooyinka sharci. Sidoo kale waxanu  mudaharaadayaasha u soo jeedinaynaa inay ka dheeraadaan gacan-ka-hadalka, isla-markaana wada-hadal furan aqbalaan.”ayaa war-murtiyeedkus intaas kusii daray. War-murtiyeedka oo sii socda, ayaa waxa uu intaas ku daray,

Dawladda Ethiopia waxa ay si cad u sheegtay  inaan qorshayaasha lagu muransan yahay la hirgelin doonin ilaa shacabka dib loola tashado. Aad baanu u taageersanahay dhawaaqa dawladda ee la tashigaas, waxana aanu ku adkaynaynaa Dawladda inay isugu yeedho cidda arrintu khusayso, sida uga dhakhsaha bandanna loo  furo wada-hadal.” Ayaa lagu soo gunaadanay war-murtiyeedkaas oo uu ku saxeexnaa ku-xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda  Mark C. Toner

Dhibaatada ka taagan Gobolka Oromiya ee dalka Ethiopia waxa sidoo kale cambaareeyey Hay’adaha xuquuqda aadamaha iyo waliba Dawladda Britain, waxana la sheegayaa inay dhimadashada dadka shacabka ahi sii badanayso.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo iska hor-imaadyada Oromada iyo ciidamda hubka sida u dhexeeya, ayaa sheegaya in ugu yaraan 75-qof oo shacab ahi geeriyoodeen, isla-markaana xabsiga la dhigay boqolaal qof oo mudaharaadayaal ahaa, waxana dhibaatooyinkani ka dhaceen Magaalooyinka haraamaayo, addis ababa, waliso, balse Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay inay kaliya shan qof geeriyoodeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here