Hargeysa (Hubaal) Hawgal balaadhan oo caawa ay ciidanka RRU-du ka sameeyeen magaaladda Hargeysa ayaa abaaro 11:00 habeenimo ee caawa waxa ay gacanta kusoo dhigeen Idaacadii mudooyinkii u dambeeyay habeenkii laga dhageysan jiray magaaladda Hargeysa iyo tiraba saddex shaqaale ah oo ka hawlgalayay idaacadaas la soo qabtay.
Idaacadan FM-ta ah ee hawada Hargeysa dhuumashada u soo geli jirtay habeenkii ayaa waxa laga helay xaafada Oktoobar ee magaaladda Hargeysa halkaas oo idaacadan xarun u ahayd.
Sidaana waxa noo xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidanka boliiska oo aanu khadka telefoonka ku weydiinay arrintan.
Idaacadan FM-ta ahayd ayaa baahinteedu mudooyinkii u dambeeyay laga dhageysanayay habeenkii oo ay soo geli jirtay hawada abaaro 9:30 iyadoo ay hawada kusii jiri jirtay 11:30 habeenimo waxaana ay xukuumadda Siilaanyo ku dawakhday helideeda oo ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo soo heli lahaa idaacadan.