War Deg Deg Ah: Ciidamadda Booliska Somaliland Oo Caawa Saqdii Dhexe Xidhay Mujaahid Xamarje

0
46

Hargaysa(Hubaal)waxaa mar dhawayd ciidamada booliska Somaliland ay jeelka U taxaabeen Muj. Axmed Cumar Xaaji  C/laahi (Xamarje) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga Wadani.xamarji

Lama Oga ujeedada rasmiga ee ka danbaysa xadhiga muj. Xamarje  balse wararku waxa ay sheegayaan in xili saacad ka hor ah oo ku siman 12 kii habeenimo ee caawa ay ciidamada Boolisku ka kaxaysteen gurigiisa oo ku yaala xaafada sheedaha waxaana haatan uu ku xidhan yahay mujaahidku saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa.

Si kastaba ha ahaatee xadhiga mujaahidka ayaa loo aanaynayaa in uu la xidhiidho sas ay xuukuumadu ka qaaday mooshinka maalinta bari golayaashu ku ansixinayaan daldhiga militari.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here