WADDANI Oo Madaxweyne Ku Xigeenka Ku Eedeeyay Saraakiil Xisbigood Ka Tirsan Oo Xabsiga Boorama Lagu Guray

0
36

IMG_D26435-BE141F-1E9AA7-025102-7DBA74-724F08

Hargeysa (Hubaal) – Xassan Xussen Codyare iyo Maxamed Jaamac Daadey ayaa waxaa ay eedeemihii ugu cuslaa hawda u mariyeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici . Masuulyiintan ayaa waxaa ay sidoo kale si kulul u canbaareyeen xadhiga ay xukuumadu u gaysatey gudoomiyihii gobalka Awdal ee xisbigaasi iyo maayar ku xigeenkii magaalada Borama oo ay ku eedeyen in uu xadhigooda ka danbeeyey ka danbeeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland , waxaana ay xukuumada ugu baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadoodii loogu soo celiyo labadaasi masuul. Waxaana iyaga oo hadalka sii wata masuulyiintani ay sheegen in madaxweyne ku xigeenku uu carqaladeen ku wado nabad galyadii Somaliland Dhinaca kale waxaa ay masuulyiintani sheegen in Madaxweyne ku xigeenku uu ugaashi ku hayo shacabka Reer Awdal ka dib markii ay xisbiga uu ka sharaxan yahay dhabarka u jeediyeen isla markaana uu wax taageero ah ka waayey

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here