DHAGEYSO: Raaqiya Cabdilaahi Omaar Oo Wareysi siisay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da
Hargeysa(Hubaal):- Guddoomiyaha xarunta Horizon ee ilaalinta cadaalada Raaqiya Cabdilaahi Oomaar oo can ku ahayd u doodida xuquuqda Aadamaha ayaa waxay ayaa waxay ka warantay xasuuqii Rwanda oo ay goob-joog u ahayd 1994-kii, kaas oo ay ku nafwaayeen in ka baddan hal milyan oo qof.
Raaqiya Cabdilaahi Oomaar waxay sidaa ku sheegay mar ay maanta u waramaysay Weriyaha Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga uga soo warama Magaalada Hargeysa Axmed Siciid Cige, waxaanay ka hadashay xadhiga loo geystay bahda Saxaafadda Somaliland iyo kale oo baddan.
“Waxaan ahay qofkii qudhaata ee xuquuqal iinsaan ahaa ee jooday Rwanda wakhtigaas xaquusu ka dhacayay oo laba bilood ayaan joogay,”.Ayey tidhi Raaqiya Cabdilaahi Oomaar.
Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi“Waddanka haddii aanay cadaaladu dhisnayn, Saxaafaduna dhisnayn waddankaasi sida uu horumar u sameyn karaa kuu doonaba ha noqdee aad ayay u adag tahay”
HALKAN KUJI SI AAD ULA SOO DEGTO CODKA