Xil. Maxamed Faarax Qabille Oo Waraysi Gaar Ah Kaga Hadley Amuuro Ay Ka Mid Yihiin Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka, Xiisadda UCID Iyo Xalka Somaliland Iyo Soomaaliya
“Haddaanu Nahay Golaha Wakiillada Waxa Naga Go’an In Aanu Mar Labaad Dib U Eegno Waddadaas Furan Oo U Baahan In Wax La Iska Weydiiyo Tallaabada Laga Qaadayo Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya”
Hargeysa (Hubaal) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,ayaa naqdiyey siyaasadda arrimaha dibeda ee xukuumadda oo uu sheegay in shirqool lagu minjo xaabinayo qarannimadu ay gacamo dibadeed ku hawlan yihiin xilligan. “Horta marxalada dalku marayo sida aan maanta ugu werwerayo qaranimadeennii weli ugumaan werwerin. Siyaasaddii arrimaha dibedda ee dalkuna waxaa aan aaminsanahay in ay marayso halkii ugu liidatay oo ay meesha ka baxday isku xidhnaantii”. Sidaa ayuu yidhi Maxamed Faarax Qabille oo shalay waraysi siiyey degelka wararka ee Xogsoormedia.com
Xil. Maxamed Faarax Qabille waxaa kale oo uu ka hadlay qaddiyadda khilaafka xisbiga uu ka so jeedo ee UCID ka dhex aloosan oo uu carrabka ku dhufto in maareynteeda iyo xalkeeda laga sugayo ama lagu dhamayn doono garsoorka Maxakamadda Sare.isaga oo khilaafka ooganna dusha u saaray xukuumadda oo uu sheegay in ay dabada ka riixayso, sidaas darteedna ay UCID ahaan dedaal ugu jiraan sidii xisbigooda ay ugala bedbaadi lahaayeen burburkii UDUB oo kale. “ marka dib loo milicsado Burburkii meesha ka saara y jiritaankii Xisbul-xaakimkii hore ee UDUB, marka la xusuusto tallaabadii koowaad ee is-qabqabsiga UCID [milaygii Aanu Cabdiraxmaan Cirro Aasaasin WADDANI], haddana lagu xigsiiyo is qabqabsiga labaad [Xilligan Feysal iyo Jamaal], sidoo kale loo fiirsado Khilaafkii KULMIYE soo maray oo isba meel dhow taagan oo halis gelin kara xisbigaas. Dhammaantood markaad isku wada geyso khilaafyadan sababtooda oo dhan waxaan odhan karaa [Qabille ahaan] waxaa murankooda qeyb ka ah oo gacan ku leh Xukuumadda maanta jirta, taasina waa shirqool lagu minjo xaabinayo qaranimada Somaliland, xisbiyada qaranka iyo qarannimadu meel ayay inaga wada joogaan waanay inoo siman yihiin markaa si qarannimadeena loo wiiqo waxaa la inaga soo galay in asxaabta xaggooda la innaga soo maro oo iyaga la bur buriyo”. Ayuu yidhi Md. Qabille. Waxaana uu intaa ku daray “Waxaan og-nahay in Xukuumaddu wada hadallo aan wax natiijo ah aan laga gaadhin ay la bilawday Soomaaliya,Ingiriiska, Imaaraadka,Turkiga Illaa Jabuuti oo lagu wada hadlay wax Somaliland uga soo baxay oo faa,iido ahi ma jirto waxaanan u arkaa in Somaliland wadahadalada sida yar golayaashu u ogolaadeen ee ay Xukuumadda ugu fasaxeen in ay noqotay dhibaato iyo albaab Somaliland ku soo furmay maalintaas oo u baahan in immika laga awdo. Golaha wakiilada hadaanu nahay waxaa naga go,an in aanu dib u eegno wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya. Khilaafka Xisbiga UCID ee imikana waxaan doonaya in aanu ku dhamayno Sharciyadda iyo Maxkadda waxaanan sidaa u yeelaynaa waxaanu doonaynaa inaanu Xisbigu Burburin oo uu jiro ilayn waa hanta qaran oo 26-ka degmo doorashoba dad ku leh ee jooga oo laga soo doortay isla markaana umaddu wada leedahay e.” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Waxaa kale oo uu xukuumadda ku dhaliilay in ay dayacday Siyaasadii arrimaha dibada isla markaana ay meesha ka bexeen xildhibaano Ingiriis ah oo qadiyada Somaliland oo ugu yaraan ahaa markii xukuumadda Siilaanyo xilka qabatay 42 mudane oo ingiriis ah imikana aan waxba ka joogin.
“Qadiyadda Somaliland markii Xukuumaddii UDUB talada haysay waxaynu lahayn siyaasiyiin iyo xildhibaano ingiriis ah oo qadiyadda Somaliland u ololeeya oo muddooyin badana kaga dhex dooday golaha baarlamaanka ingiriiska,laakiin markii ay Xukuumadda KULMIYE dhalatay taasi meesha way ka baxday oo imika cidiba kama joogto isla waxaana la fur furay guud ahaan qadiyaddii Somaliland iyo qarannimadii dalkan ee loo soo halgamay. Waxaana wiiqantay sidii qadiyada iyo qaranimadii Somaliland ee caalamka lagaga doonayay aqoonsi buuxa oo dalku ka helo caalamka,waxaa kale oo dadkii lagu asqeeyay in lagu maaweeliyo wax la yidhaahdo wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo aan wax faa,iido ah u lahayn Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba,waxaana naga go,an in aanu mar labaad dib u eegno haddii aanu nahay golaha sharci dejinta wadadaa furan ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo loo baahan yahay in wax la iska waydiiyo oo tallaabo laga qaado.” Ayauu yidhi Maxamed Faarax Qabille.