Waa Sidee Xog Baadhista Saxaafaddu, Sida Musuqa,Cadaalad Darada iyo Wixii La Midka ah? Qaybta 2 aad:

0
27

Suxufiyiintu Maxay Baadhayaan?

Suxufiyiintu waxay baadhayaan oo umadda u soo bandhigayaan xad gudubyada,Musuq-maasuqa iyo danbi kasta oo lagu sameeyo bulshada,laakiin meelaha la baadhayo waxa ka mid ah.

Dawladda

Sida golayaasha kala duwan ee dawladdu ka kooban tahay,baarlamaanka,golaha wasiirada,garsoorka. Mar marka qaarkood siyaasiyiinta bulshada u adeega ee ku kaca musuq-maasuqa,waa la soo bandhigayaa si ay xafiiska u dhaafaan,laakiin masuuliyiintaasi way qariyaan xaqiiqada iyo go’aamada waayo ma jecla inay bulshadu ogaato.waxa laga yaaba inay qaar shirkado shisheeye heshiis kula jiraan,xitaa qaar ayaa laga yaabaa inay heshiis sir ah kula jiraan,heshiiskaasi oo ah baadhis macdan, laga yaabo inay waxyeesho dadka iyo deegaanka laga qodayo.inta badan siyaasiyiinta u adeega bulshada waxay iska fadhiyaan xafiisyada mudo dheer,waxay iska dhaga mariyaan xaqa ay bulshadu u leedahay inay ogaado waxa socda ama waxa dhacaya.hadii dadku doortaan madax,madaxduna ka qaado dadka cashuur iyo waxyaabo kale oo lagu fulinayo dano guud,waxay bulshady xaq u leedahay inay ogaato wax loogu qabtay cashuurtii laga qaaday.dadka la doortay waa inay ogaadaan go’aanka codbixinta ee dadka soo doortay ay leeyihiin doorashada danbe.

Suxufiyiintu Waxay Baadhayaan Shirkadaha.

Shirkadaha qaar waxay jabiyaan sharciga,waana in la soo bandhigaa.laakiin had iyo goor shirkaduhu waxay jecel yihiin in dhaqdhaqaaqoodu sabab kastaba ha ahaatee uu ahaado mid sir ah.waxa laga yaaba inay sameeyaan khalad ama ay khasaaraan.waxa laga yaabaa in aysan dooneyn in shirkadaha la tartamayaa ogaadaan sirtooda ama ma doonayaan qorshayaasha horumarineed ee ay doonayaan inay fuliyaan in laga xado nashqadda.shirkaduhu waa qayb ka mid ah bulshada.badanaa waxay sameeyaan oo ay isticmaalaan khayraadka dabiiciga ah,waxay lacag ka qaadaan macaamiisha iyo saamileyda,dadka way shaqaaleysiiyaan dadka qaar ,adeega ay bixiyaana waxa isticmaala dhamaan cashuur

bixiyayaasha.hawlahoodu waxay saameyn ku yeelanayaan bulshada intii soo hadhay,bulshadu xaq ayey u leeyihiin inay ogaadaan waxa ay qabanayaan.

Suxufiyiintu Waxay Baadhayaan Danbiilayaasha Umadda Xoolooha Cunaya.

Inkasta oo dawaldaha iyo shirkaduhuba ay sameeyaan musuq-maasuq,danbiilayaashuna noloshooda ayey ku sameeyaan,waana dhiig miiratada shacabka,marka akhristayaasha iyo dhageystayaashuba waxay xaq u leeyihiin inay kuwaasi iska ogaadaan.la dagaalanka danbiguna waa,shaqada ugu weyn ee booliiska iyo sharci hagaajinta. Laakiin mar marka qaarkood macluumaad ku filan oo ay shaqadooda ku qabtaan ma helaan. Mar marka qaar sharciga laftiisa ayaa xadida awoodooda. Sidoo kale, booliiska iyo nidaamka  garsoornimadu mar marka qaar waxay sameeyaan musuq-maasuq.sidaasi daraadeed suxufiyiintu-waxay sharciga ugu hogaamsamaan sida muwaadiniinta kaleba ugu hogaansamaan-waajibaadka suxufiyiintu waa inay soo bandhigaan khaladaadka bulshada laga galo.

Waxa kale oo jira,dabcan ,dad badan iyo ururo jecel inay waxyaabaha bulshada saameynta ku leh,inay qariyaan.sida sadaqada oo kale waxay isku dayaan inay qariyaan xaqiiqada iyo ujeedooyinka loogu talo galay in lagu bixiyo. Waxa laga yaabaa koox kubadda cagta ahi inay ka wada hadlayaan inay garoon marka ka wareegaan basle taageerayaashu ma jecla. Waxa lag yaabaa in nin dawo ahaan uga iibinayo bukaan biyo midabo leh. Waxaasi oo dhami waxay u baahan yihiin in bulshada loo soo bandhigo.

Mabaadii’da aasaaska u ah baadhitaan saxaafadeed

Shuruucda aasaaska u ah baadhitaan saxaafadeed iyo ka doodistiisa, ka hor inta aan lagu dhaqaaqin baadhitaanka.

Qiimaha Warka

Inta badan xarumaha wargeysyada,idaacadaha iyo telefiishanada waxay helaan codsiyo badan oo uga yimaada dhinaca dadka”in arin marka jirta la baadho” sida eedeyn loo jeediyo dad wax khalday. Dhacdooyin badani waa qaar doqoniimo ah,sida been la sheego. Laakiin adigaaga suxufiga ahi waa inaad wakhti ku bixisaa wararka la isla dhex marayo ee loo yaqaano ku tidhi ku teen(tip-off) si aad ugu go’aan qaadato warka runta ah iyo warka aan salka iyo raatoona lahayn.

Waa inaad go’aamisaa dhamaan macluumaadka la baadhayo iyo shuuruudaha ku xeeran waxa war laga sameyn karo.wax cusub miyaa, wax qayrul caadiya miyaa, wax xiiso leh miyaa,wax dadka sameyn leh miyaa? Mar marka qaar,waxa laga yaaba in warku sameyn ku leeyahay qof kaliya,marka warkii wuxuu noqonayaa wax aan muhiimad lahayn.

La Soco Qaybaha Danbe—–

Qoraalkii : Cali Maxamed (Cali Saxafi)

B.A in Journalism

Hargeysa/Somaliland

Calisaxafi@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here