Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir Oo Shaaciyey Inuu Ku Biiray Xisbiga UCID
Hargeysa(Hubaal)-aqoonyahan jaamac Cilmi Jiir oo ah Qoraa’ madax-banaan ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu ku biiray Xisbiga Caadallada iyo Daryeelka Ucid. Jaamac jiir waxa uu beeniyey warar sheegayey inuu Laaluushka qaatay Xukuumadda u gadh-wadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (axmed Siilaanyo). waxana uu uga digay kooxo uu sheegay inay ku hawlan yihiin sumcad ka dilistiisa kuwaas oo ku xidhiidhaanaya inuu qaatay mabda’ka xisbiga tallaada haye ee kulmiye.
Qoraa’ Jaamac Cilmi Jiir waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Khadka Telefonka ugu waramaayey wariye Cabdi casiis Bashiir Nuur oo ka mid ah shabakadda warar ee xogreebnews.com, jaamac Jiir oo arrimahan ka hadlaaya waxa uu yidhii” anigu xisbiga Ucid ayaan Taageersanay wana Xisbiga keliyaa ee aan u arko inuu yahay Xisbi Qaran, waxana si rasmi ah xafladda ku qabsan soonaa Caasmidda S/land ee Hargeysa, waxaan rajeynayaa inaan maskax iyo Muruq , Maalmo mid walba ku krdhin doono. Waa xisbi ay joogaan aqoonyahanno ka mid ah ragga mustaqbalka aan uu xullanay inay hoggaamiyaan Dalka oo ah mid hoggaanno Qaloocanu iskagaga danbeeyen”
Jaamac Cilmi Jiir ayaa tilmaamay inuu ka xun yahay inuu Maqlo dhawaqa ah inuu Jaamac jiir yahay Kulmiye isagoo arrintan mar kale, ka hadlayaana waxa uu yidhii “ waa ayaan darro anigoo Nool Miirkayguna yahay sax inaan taageero Rijiimkii shalay xaqdarada igu xukumay waxana mar walba jecelay inuu dalka isbedel ka dhaco oo doorashada laga helo Siilaanyo uyo afarta wasiir ee dalka Baa’biisay”