Tababarkan oo ku saabsanaa badbaadinta hooyadda uurka leh iyo ilmaha dhalanayaa iyo ka hortagidda xanuunada ku dhaca oo socday muddo toban maalmood ah 15-24/02/2015
Ugu horeyn waxaa halkaa ka Hadley Dr.Cabdi Maxamed Cabdi oo ku Hadley magaca dhakhaatiirtii tababarka qaadaneysey Wuxuu sheegay iney aad uga faaiideysteen muddaddi uu tababarku socday uuna yahay tababar aad muhiima oo ah nolol badbaadin loona baahan yahay marwalba in la kordhiyo xirfadda dhakhatiirta oo la siiyo tababaro joogto ah si ay si fudud ugu fushan karaan hawl maalmeedkooda goobaha lagu xanaaneeyo dumarka iyo carruurta.
Waxaa isna halkaa ka Hadley Dr.Cabdi Qani Xasan Jama coo ahaa Khabiirkii tababarka bixiyey Wuxuu u xusay sida uu ururka dhakhaatiirtu marwalba ugu dadaalayo kor u qaadidda aqoonta dhakhaatiirta, yahayna iyagu cidda fulisay iyo hayadda THET oo gacan ka geysatay kharashka tababarka. Wuxuuna sheegay in mudadii tababarku socday ay dhakhatiirtu wax badan ka faaiideysteen iyaguna dhexdooda waxa badan kala faaiideysteen, wuxuna ka codsaday in Ururka dhakhaatiirta in ay hawsha halkaa ka sii wadaan.
Ugu dameyntii waxaa Tababarka soo xidhey Dr.Maxamed Yusuf Cilmi oo ah Agaaasimaha fulinta ee ururka dhakhaatiirta Somaliland. Wuxuu u Mahad celiyey ka soo qayb galayaashii takhaatiirta aheyd iyo takhaatiirtii tababarka bixineysay. Waxa kale oo uu u mahad celiyey hayadda THET wuxuuna sheegay inuu tababarkani ka mid ahaa tababarada uu sida joogtada ah Ururk Dhakhaatiirtu u siiyo xubnahooda. Tababarkani wuxu ka mid yahay kuwo noociisa ahaa oo ay guud ahaan ka faa’iideysteen 33 dhakhtar oo reer Somaliland khuseeyeyna badbaadinta hooyadda uurka leh iyo ilmaha dhalanaya. Tababaradaas laba ka mid ah waxa lagu qabtey Hargeysa, kan u dambeeyeyna Burco. Ugu danbeyntii wuxu ku guubaabiyey inay aqoontaa u sii gudbiyaan dhakhaatiirta aan nasiibka u helin tababarkan ee ka shaqeeya goobaha ay ka yimaadeen.