Hargaysa(Hubaal) Qaar Ka Mid Ah Ardayda Jaamacadaha Hargaysa ee kazoo jeeda magaalada caynaba Ayaa Habeenkii Xalay Ahayd Kulan Soo Dhoweyn Ah U Sameeyey Gudoomiyaha Cusub Ee Madaxweynaha Somaliland u Igmaday Una Magcaabay Gobolka Saraar Mudane Cali Maxamed Faarax.
Munaasibada kulankan oo Habeenkii Xalay Ahayd Ku Qabsoontay Hotelka Maansoor ee Magaalada HArgaysa ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socday Ururkaasi oo Lagu Magcaabo Saraar Social Foundation Kaasi oo U Taagan Sidii Loo Hormarin lahaa Dhamaanba degaamada Gobolka Saraar ee Ay Matalaan Haday Ahaan Lahayd Dhinacyada Caafimaadka,Waxbarashada,Biyaha Iyo Wacyigalinaha ku Saabsan Aafooyinka Dabiiciga Ah ee Ka Jira Deegaamada Dalka Sida Tahriibka,Qaadka Iyo Qabyaalada.
Kulanka oo Ahaa Casho Sharaf Ay Ku Maamuusayeen Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolkaasi Loo Magcaabay Isla Markaana Ay Wehelinayeen Maamulka Degmada Caynaba Ayaa Waxaa Goobjoog Ka Ahaa Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland Ugu Jira Gobolka Saraar Qaarkood Iyo Xubno Isuduwayaal Ah oo Ka Shaqeeya Caynaba Isla Markaana HAwlo Shaqo U Jooga Magaalada Hargaysa oo Ay Ka Mid Ahaayeen Caydiid Cabdi Xaydh oo Ka Tirsan golaha guurtida Somaliland,Agaasimaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Axmed Xaaji Nuur,gudoomiye xigeenka Gudida Xuquuqal iinsaanka qaranka Ahna Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Salebaan Warsame Guray,Taliye Xigeenka Saadka ee Ciidanka qaranka somaliland Cismaan Cabdilaahi Siciid,Maayarka Degmada caynaba Axmed qani cabdi yuusuf,Gudoomiye xigeenka gobolka saraar Ibraahin Jaamac Maxamed,Caaqil Maxamed Daroor Ducaale,Isuduwaha Wasaarada Beeraha Faysal Famle,Isuduwaha wasaarada Horumarinta Reermiyiga,Maxamed Layn Dhuudhi,Isuduwaha Diinta Iyo Awqaafta Jaamac Waqandhe,Isuduwaha shaqada iyo arimaha bulshada ee gobolka saraar Marwo Samsam Siciid iyo welibana xubno kale oo door ah dhamaantoodna madasha waa ay ka hadleen waxaana ay is dul taageen sida ay ugu faraxsan yihiin gudoomiyaha cusub ee xukuumada somaliland usoo igmatay gobolka saraar oo ay ku sheegn inay soo dhoweynayaan isla markaana soo dhoweyn tani aanay ahayn balse ay tahay casho sharaf ay ku maamuusayaan.
Ugu Horeyn waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Saraar Social Faoundation Aaden Maxamed Abyan oo ku dheeraaday xiligii la aasaasay ururkan iyo ahdaafta laga lahaa hirgelintiisa wuxuuna intaasi ku daray in dadka deegaanku looga fadhiyo sidii ay gacmaha isu qabsan lahaayeen iyagoo buu yidhi meel iska dhigaya qabyaalada iyo waxyaabaha aafeeyey dunida dib u dhacday.
Xoghayaha guud ee Ururka Saraar Social Faoundation Cabdirisaaq Maxamed oo isaguna madasha khudbad dheer kasoo jeediyay ayaa iftiimiyay wixii u qabsoomay intii ay jireen ka urur ahaan,caqabadaha lasoo dersay iyo yoolkooda mustaqbalka waxaana uu hoosta ka xariiqay inay hada gaadheen guulo la taaban karo oo ay ka mid tahay sidii ay shaqaale caafimaad ugu heli lahaayeen cusbitaalka caynaba oo Mudoba Ahaa bilaa Dhakhaatiir isagoo sheegay inay u direen Kalkaaliyaal Caafimaad oo ah siduu sheegay Ardaydii ka soo jeeday deegaankaasi ee wax ku bartay kana aflaxay jaamacadaha dalka.
Sidoo kale Iyaguna waxaa halkaasi ka hadlay Caynaashe Maxamed Caydiid.Cabdiqaadir Saleban Maxamuud (Galad) Iyo Axmed Haybe Col U Joog oo ka mid ah xubnaha sarsare ee Ururka Saraar Social Faoundation waxaana Halkaasi kasoo jeediyeen Soo Dhoweyn ay u muujinayaan Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Saraar Cali Maxamed Faarax.
Caydid Cabdi Xaydh oo Ka Tirsan golaha guurtida Somaliland,Agaasimaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Axmed Xaaji Nuur,gudoomiye xigeenka Gudida Xuquuqal iinsaanka qaranka Ahna Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Salebaan Warsame Guray,Taliye Xigeenka Saadka ee Ciidanka qaranka somaliland Cismaan Cabdilaahi Siciid,Maayarka Degmada caynaba Axmed qani cabdi yuusuf,Gudoomiye xigeenka gobolka saraar Ibraahin Jaamac Maxamed,Caaqil Maxamed Daroor Ducaale oo dhamaantood goobta hadalo kasoo jeediyay ayaa dardaaran iyo hogotusaalayn u soo jeediyay Gudoomiyaha Cusub Oo ku aadan Wacyiga ka Taagan Deegaanka loo Magcaabay iyo Sida uu Uga Hawlgali Doono Iyagoo Sheegay kana dalbaday Gudoomiyaha Cusub inuu si Rasmi ah u dhagaxdhigo jaamacad Cusub oo Uu Yeesho Gobolka saraar.
Ugu Danbayntiina Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka saarar Cali Maxamed Faarax Ayaa u mahadnaqay ardayda soo qaban qaabisay xafladan casho sharafta ah ee kasocota Ururka Saraar Social Foundation waxaana uu sheegay inuu ka war hayn doono inta uu gobolka joogo isagoo gudoomiyihu tibaaxay inuu noqon doono mid u sinaan doona dhamaanba beelaha dega gobolka saraar waxaana uu balan qaaday inuu si rasmi ah u dhagax dhigi doono Jaamacada Gobolka Saraar ee Laga Hirgelin doono Magaalada Caynaba