UK Oo Dalkeeda Ka Eriday 23 Dublamaasiyiin Raashiyaan Ah

0
50

London (Hubaal) Dowladda Britain ayaa dalkeeda ka caydhissay 23 dublamaasi oo Raashiyaan ah, kadib markii maaddo sun ah la qaadsiiyay nin hore u ahaan jirey basaas Ruushka ah Sergei Skripal.

Dowladda Ruushka ayaa diiday in ay sharaxaad ka bixiso sida ay ku dhacday in sunta neerfaha ee Ruushka lagu sameeyay loo adeegsado weerar lagu qaaday Skripal.

Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in dublamaasiyiinta ay dalka kaga baxaan muddo toddobaad gudihiis ah. Waxa kale oo ay Britain la laabatay casuumad hore loogu fidiyay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, iyada oo sidoo kale xubnaha qoyska boqortooyada Britain la sheegay in ay ka baaqsadeen ka qeybgalka ciyaataha adduunka ee sanadkan lagu qabanayo Ruushka.

Tallaabooyinka kale ee ay Britain qaadayso waxaa ka mid ah in si gaar ah loo baadho duulimaadyada gaarka ah ee Ruushka, alaabaha ruushka ka imanaya iyo kuwa loo dirayaba. Waxaa kale oo xanibaad lagu soo rogayaa hantida dowladda Ruushka u taala Britain haddii la arko wax caddeymo ah oo la xidhiidha in halis lagu galiyay nafta qof uun. Safaaradda Ruushka ee London ayaa sheegtay in caydhinta dublamaasiyiinta ay tahay talaabo aanan la aqbali karin. Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in UK ay siyaasadaynayso arrinka, islamarkaasna ay hareer marayso heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan hubka kiimikada.

Wuxuu intaas ku daray in haddii Moscow ay heli lahayd codsi iyada oo la tixraacayo heshiiska caalamiga ah ee hubka kiimikada ay kasoo jawaabi lahayd, wuxuuna sharcigaas dhigayaa in dalka loo dirayo uu heysto muddo 10 maalmood ah in uu kasoo jawaabo.

Xigasho: BBC

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here