Brithain(Hubaal)- Fannaanka Maxamed Axmed Qoomaal oo ah Fannaan Soomaaliyeed, ayaa Maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska waxay ku heshay Dembi ah inuu si khaldan u qaadanayey Lacagta Caydha ee dawladdu bixiso, isla markaana uu Been-abuur sameeyey, sida lagu eedeeyey. Qoomaal oo 72 sano jir ah, ayaa waxa lagu eedeeyay in uu qaadanayay sannad walba Lacag gaadheysa £39,000, isaga oo jooga dalka Soomaaliya, ka dib markii uu adkeysan waayay Qabowga ka jira waddanka Ingiriiska, waxaanu soo aaday dalkiisa inuu helo Kuleylka Cadceedda, sida la sheegay. Sidoo kale, Fannaan Qoomaal, ayaa lagu eedeeyay in uu ku sameeyay Shaabbad Been-abuur ah Baasaabboorkiisa Britishka ah, si aan loo garan in uu ka maqnaa waddanka Ingiriiska muddo sannado ah, sida la sheegay.
Qoomaal, ayaa qirtey Dembiyada lagu soo oogay, waxaana la sheegay in uu joogay dalka Ingiriiska muddo 15 sano ah balse waxa uu marwalba u baahnaa in uu helo qof u tarjuma xilligii Maxkamadeynta.
Maxkamadda, ayaa Dacwad-oogayaasha waxay u sheegeen inuu doonayay Qoomaal in meel kulul uu ku noolaado isagoo dib ugu soo laabtay UK markii uu maqlay in loo raadinayo in su’aalo la weydiiyo.
“Waxa uu kaga dhoofay UK tigidh furan mana soo laaban. Waxa uu siiyay furaha guriga uu si gaar ah ugu noolaa dad kale kuwaasoo degenaa intii uu ka maqnaa wadanka UK.”ayuu sii raaciyay xeer ilaaliyaha Maxkamadda.

Xigasho: Dailymail