DAAWO SAWIRRADA: Ujeeddada Iyo Ajandaha Shirweyne Dabayaaqada Bishan Ka Furmi Doona SALLAXLEY

0
31

“Waa shir Beesha Oo Kala Raagtay Ay MasiirkeedaKagaTashanaysoCid Kasta Oo Ka Qayb galaysaanna Waa U Furan Yahay”-Suld. Aadan Faarax

Hargaysa (Hubaal) – Kulan ceelalyo u ah shirweyne ay beesha Abokor Muuse Daa’uud Oo kamid ah Beelaha Ciidagaleuga furmi doona deegaanka Sallaxley a Ayaa shalayka dhacay Hotel-ka dalxiis ee magaaladda Hargeysa. Kulankanayaa lagu cayimay goorta uu shirkani qabsoomayo iyo mudada uu soconayo,oo ay sheegeen in uu yahay dabayaaqadda bishan aynu ku jirno.Waxaana ay ka warrameen ujeedada shirweynahooda iyo ajandaha lagaga hadli doono iyada oo dhinaca kalena lagu soo bandhigay hal ku dhegga shirweynuhu ku suntan yahay oo loogu wan qalay Talo-wadaag.

Suldaan Aadan faarax oo kulanka shalay ka hadlay ayaa shirweynaha Beesha Abokor Muuse ku tilmaamay mid dhaqan oo nabada iyo qarannimadu sal u tahay, lagagana hadli doono danta guud ee Bulshada Somaliland gaar ahaanna danaha beeshooda iyo sidii ay uga tashan lahaayeen masiirkooda.

“Shirku waa Shir dhaqan waana shir wada tashi oo ah sidii aynu masiirkeena uga tashan lahayn maaha shir nabad diidan waa shir danta ummada jecel iyo wada jira waana shir beesha oo kala raagtay ay kaga hadli doonaan waxa ay fikir qabaan,cid kasta oo shirkan ka soo qayb kali kartaa waa uu u furan yahay” sidaa ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax. Sidoo kale waxa isaguna halkaa ka hadlayCaaqil Aabioo isna hadlayayaa ka warramay ujeedada shirkan waxaanu yidhi“Dadkuna in Ay shiraan oo Danahooda is waydiiyaan oo ducaystaan oo is arko,waa wax ku waajib ah markasta waxaana ay dhashaa sharaf iyo wanaag,shirka ka dhici doona salaxlayee reerku leeyahay ee lagu bilaabayo ducada,waanu soo dhawaynaynaa waanu tageersan nahay,shirkanina kaas ayuu gogol xaadh u yahay,wixii inoo raacana waynu ku darsan doonaa,danta reerka ayaa shirkan lagu gorfayn doonaa waanan soo dhawaynaa inta shirka inoo qabatay.Sidoo kale Caaqil Aabi oo ka hadlayMadasha ayaa ku nuux-nuuxsaday ujeedka shirkan loo qabtay ayaa tidhi.”Dhamaan cidii soo tabaabushaysay shirkan abokor muuse oo layidhaa magaciisa talo wadaag laguna qaban doono 28/82015 Sallaxlay”.Caaqil Cabdi Jaamac ayaa cadeeyay shirkan ay beeshu qabsanayso inuu yaha mid danta beesha uun lagaga hadlayo balse aan cidna lagu duulayn am lagu dirqiyayn waxaana uu yidhi.”Shirkani maah mid cid lagu xumaynayo,waa mid beeshu kaga hadlayso danteeda u khaas ka ah,deegaankeeda,waxaana uu dhici doonaa wakhtigaas lajideeyay,waxaanu umada u sheegaynaa shirkaas oo shir caafimaad qaba ah cidii danaynaysaa in ay si wanaagsan u ogaato oo ka soo qayb gasho”.  Iclaaminta shirkan ayaa ku soo beegmay maalmo uun ka dib markii uu is casilay xubintii keli ahayd ee beesheesi kasoo jeedda ee ku jiray golaha wasiirradda, oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda qorsheynta qaranka iyo isuduwida hay’adaha caalamiga ah Mr. Cabdikariim Axmed Mooge, inkastoo ay sida qabanqaabiyeyaasha shirkan ee madasha gogol xaadhka ah ka hadlay ay sheegeen inaanu shirkoodu khusayn wax nabada iyo qarannimadaxumaynay balse taas baddalkeedanauu ajandaha shirweynuhu ku dhereran yahay mid lagaga tashanayo masiirka beesha Abokor Muuse.

.
DSC06408.jpg
DSC06402(1).jpg
DSC06399.jpgDSC06398.jpg
DSC06393.jpg
DSC06391.jpg
DSC06388.jpg

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here