Ujeedada uu Daaran yahay Wadda Hadal Khadka Telefanka Ku Dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Maraykanka

0
18

Madaxweyne Trump oo Amaanay Duulimaadyada Shirkadda Diyaaradaha Ee Ethiopian Airline, isla markaana Caddeeyey In Dalkiisu Diyaar U Yahay Bixinta Wixii Taageero Farsamo Ah Ee Loo Baahdo

Addis Ababa(Hubaal):-Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa khadka telefanka wadda hadal kula yeeshay dhigiisa dalka Maraykanka Donald Trump.

War ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay isla soo qaadeen tacsida ay la wadaagayaan dadka, qoysaska iyo waddamada ay ka soo jeedeen dhammaan dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay dalka Itoobiya.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu amaanay duulimaadyada shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline, isaga oo xusay in shirkadaasi ay tahay hay’ad xooggan, waxaanu caddeeyey in dalkiisu diyaar u yahay bixinta wixii taageero farsamo ah ee loo baahdo.

Warka ayaa intaas ku daray in madaxweyne Donald Trump uu muujiyey taageerada uu u hayo isbadalada muddooyinkii ugu dambeeyey ka socday wadanka Itoobiya.

Labada hoggaamiye ee Itoobiya iyo Maraykanka ayaa wada hadalka ay khadka telefanka ku yeesheen waxay iskula garteen xoojinta xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here