- Hordhac
Somaalidu waxaay lahaan jireen dhaqamo soo jireen ah, dhaqamadaas waxaa ka mid ahaan jiray ciyaarta sacabka, Allabariga, suugaanta, Koriimaad afka Somaaliga ee ku faafay dunida inteeda kale, hogaanka dhaqanka oo lahaan jiray qadarin iyo ixtiraam. Qaarkood dhaqamadaasi hadeer teel-teel ayaay ku yihiin guud ahaan geyiga Somaalida, sheeko ayaa lagu hayaa dhaqamadaas sii dabar go’aaya, gaar ahaan bahda ubaxa kacaamaysa oo xirfadahaasi ka maqanyihiin, waxaa dhanka kale sii dabar go’ayaa Afkii Somaaliga oo afaf-kii kale ka xoog bdanayaan luuqadeena adeegsigeedii.
- Sidan ayaa sheekadii ku bilaabmaysaa.
Maalin ka mid ah maalmihii adkaa ee soo maray guud ahaan xidhin/Jufi ka mid ah dadka deegaanka Somaalida. Waa goob Alle bari iyo kaalmo waaydiisii laaysugu yimi waana gegi cad oo dhoowr geed oo dusha ka abaarsaday aay ka caawlanyihiin, dadka iyo midabka dhirtaasi waa isku caayn oo abaarsi iyo busaarad saddex jirsatay ayaa hadheeysay. Maanta oo kale waa waajib in la dhigo Alla barigan, waayo baahi intaas kasii dheer ayaa dadka soo wajahaysa haddan wax laga qaban.
Madasha waxaa laga xusaayay Alle bari hufan, oo ka mid ah caaddada Somaalida lagu yaqaanay marka ubucda dhibaadatadu dhibaatada dhaadhiso sida abaaraha iyo dagaalada, halka dhaqanka Somaalida lagu yaqaan kasoo horjeedkeeda waqtiga barwaaqada in ciyaar, guur & kibir xoolo lagu kalo dhici jiray, halka seefta laayska asli jiray laguna soo dhoweeyn jiray barwaaqada, hadda waa halkii mahad Alle laga sugaayay dadka deegaankan ku sugan.
Ujeedka arinka Alla-barigaas sheekadu ku timi, waxa asal u ahaa in laga baxo dhibaatooyin aay kamidyihiin abaaro ba’an iyo collaado soo noq-noqday muddoyinkii dambe, Allena dembi-dhaaf iyo talo wadaag la waaydiisto.
Goobta Alle bariga waxaa isugu soo galay dad kala duwan oo ka-kala yimid meelo kala duwan oo ka baxsan qaarkood degmada abaabushay Alle-barigaas, waxaa meesha joogay dad guyaal soo jireen ah (Odayaal Gadh-cad ah) soo noolaa marxalado kala duwan & dad fac cusub ah oo nolosha dhawaan ku bar-baaray (Dhalinyaro fir-fircoon), da’yartas oo aan warbadan ka haayn tariikhda soo jireenka ah ee degaanka iyo xidhiidhka u dhexeeya degaamada kale ee ku xeeran degaankooda, dadka madasha isugu soo galay qaarkood waa martida maanta ee geedkan damalka ah. Qooysaska dhaladka ah ee kasoo jeeda degaankaas, wuxuu qofwalba keenay hilib ku jira xeedho & caano ku keeydsan Qarrog (Doobi weeyn) & Sibraar meel qaboow la dhigay oo ah geed hoostiis, waxaa loogu talo galay in lagu marti qaado dadka soo doonyeystey geedka hoostiisa, iyo dadka kale ee soor wadaagu, qaadhaan iyo baaho wadaagta ahaan jiray guyaal badan.
Markii lasoo gaadhay waqtigii afka lasari lahaa xulka cuntada ee hilibka iyo caanaha dadka, si’ looga haqab tiro hamuunta iyo sanuunada dadka madasha isugu yimid dushooda saaran, ileyn waa Gu’u abaareed oo dadka diif ragaadisay, duruuf baahiyeed baa jiqleeysatay, tabco nololeed na waa qoofashay, xoolo & mood labaduba waa le’deen.
Waxaaa la bilaabay qaaybinta hilibkii baruurtu juq ka ahayd, si loo gaadhsiiyo dadkii goobta isku weegaaray, si siman oo ceeb la’aan iyo cabasho yaraan qofkasta ku helo saamigiisa, hadda waa dadka hadheeyay Damalka hilinkiisa ee soo ajiibay baaqii loo fidiyay, si waajibaadkaas loogu guto waa in loo keenaa cunto gaashamaan oo hilibku qariyay oomatida kale.
Hilibkii goobta la keenay waxa uu isugu jiraa hilib baruur leh iyo mid jiidh ku gigan yahay, hilibkaas waxaa loo sameeyay Karis, Soley, Shilaan, Uumito. Hilibka goobta la keenay waxa uu ahaa mid laga soo qaaday xoolo shidhaaysi ah, ee aan ahayn tumoodi.
Odey cumaamadan, soo gotay da’a awgeed,wajigiisa waxa uu u egyahay sidii in cilaan la marshay oo qoraxduu fadhiyay ayuu dhiig rooray, saawir toorey ah ayuu lalinayaa hilinka hilibka lagu jar-jaraayo horteeda, isku qaaybin ayuu wadaa si baruurta iyo jiidhka, hilibka caatada ah iyo kan shilis isu gaadhaan, Xaajiga seefta lisaayaa, qaawlalada ayaa da’aaya, baruur & jiidh labaduba waa u dhadhamo, waase dhadhamo dhaafsan intii laaysla yaqaanay waxaayna u dhiganta in aay quutaan afar qof, kumase duxin oo isagaa aaminsan inuu dhadhamo ku wado hadba waslada uu soo qabto. Waa sidaasee…..
Markii dadka loo dhig-dhigay hilibkii & oomatidii kale ee goobtaas taalay, waxaa lagu miyirsaday in qofkasta eego qofka ku xiga si loo garto cidday xeedhada cuntada wada maalayaan, waase ka duwantahay sida magaalada oo inta qof kusoo dul istaago ku oranaayo shan-shan isu raaca. Adoo xishoonayaa markaas aad eegto yaad raacikartaa ama is garanaysaan, halkan cidkasta halkaay damacdo ayaay duugan kartaa, cabsi gabaabsi cunto meesha kama muuqdo. Badhtankii cuntada marka lagu jiro Qofkasta qofka ku xiga ayuu isha la raacayaa ma xididbaa? Ma xigtaa? Is ururin baa bilaabatay, haddaa la miyirsaday!.
Cabbaar markaay baxaysay sanqadh ruugis ah iyo laf baanasho, sidoo kale dadka goobta joogaa qaarkood gaadheen inaay dhuuxa hadhaaga lafihii la feentay jabsadaan. Waxaa goobta lagu arkay nin Odey ah oo ku gaadhan labo Go’ oo cad-cad, midna guntan mid huwan, arad ka muuqdo lebiskiisa, Kabo feygamuuraan xidhan. Dadka degaanka Odeygani kuma cusbayn, waxaase hore loogu arki jiray goobaha tan oo kale ah marka la gaadho waqtigeeda, qaarka aan garanaay waxaay u qaateen Awliyo soo daahirtay, waa sida aay aamin san yihiin dhaqamadii hore, in awliyadu tahay wax gaar ah oo dadka ka duwan, waase khuraafaad aan meel gaadh-siisnaayn, awliyada Alle waa kuwa Qur’aanku qeexay. Waa caado muddo soo jirtay in uu muddo dheer marka u yimaado laga duceeysto, sidoo kale hilaadiyo hadba degaanka loo guuraayo waqtiyada abaaraha, waxaase meesha maalintaas is-bedelay: xaaladda degaanku waa rukummo adkeeysatay, xoolo iyo hanaan labaduba waa is-bedeleen.
Markii isha qac lagu siiyay Odeygii, Salaam dheer ayaa gacanta lagula boobay, xeelad iyo xarago labadaba waa lagu salaamay. Markii la nastay ka bacdi fadhigii Salaam gacan qaad ah, qofkasta na dib u hadhsaday halkii geedka uu ka fadhiyay. Wiil dhalin yaro ah, sheekana ku hayay Odeyga xaajiga ah, kuna gartay magaca dheer ee xaajigan leeyahay ayaa waxaa Inankii goobtii u fadhiyay kasoo kacay isagoo bilaabay inuu cidhiidhsado halkii u dhowayd Odeyga, markii uu hubsaday inuu jenbiga ugu hayo Xaajigi, wuxuu bilaabay hadalo su’aalo u badan, oo u dhacay sidan:
Wiilkii dhalinyarada ahaa: Xaajoow inta badan kuma arko, waanse ku maqlaa, xagaad ka timaada ama ku nolaayd sanadihii aan koraayay?
Odeygii: Gabanka aan is haayb-sano horta yaad-tahay, yaad-kasii tahay?
Wiilkii: Xaajoow, waxaan ahay degaanka, waxaanse kasii ahy kobtan dhaqan bila, oo waxaan ahay wiilkii Guuleed Gorrod-Gaab.
Odygii:waa gabanka waxaan ahay adeerkaa Saxiibkii, waxaan kasii ahay nin Odey ah, sababta aad ii maqashaana ma xaajo Curadbaa?, mise waa mid uguboo guntan, ceebna ku dahaadhantahay?
Wilkii: maaha xaajo ugub ah, waase talo loo dhanyahay, ceebaayn ma geydid, ammaana maad galabsan.
Odeygii: Yaa yidhi iyo Yeelli maayo, waase la tashan adna nin dhalinyaro soo koraaya baad tahay.
Wiilkii: Manta ducaada igu dar aan eego inaay kacaaysee, Allena ha inaga aqbalee!.
Odeygii: Xaajoow, waan ku duceyn lahaa, waxaanse ducadii kuugu daray Aabbahaa. Dad wanaagsan ayaan ugu duceeyay, waa adigaa koray oo hano qaaday, waana ducadaydii. Dalkana dad wanaagsan ayaan ugu duceeyay, waa adigaa ku barbaaray oo mustaqbalkiisii noqday dalkan, ducona halkaas baay ku dhantahay.
Wilkii: Xaajoow, labo dadka meesha jooga waad kaga duwan tahay. Dadku waa kaa faqaan si kabadan sida dadka kale oo kuma aaminaan, waanna lagu ammaanaa markaad joogto si ka badan sida dadka kaleba. Maxa sababay?. Xiiso iyo xoorba way dhacaan, muddo markaad nala joogto waa lagu ilaaba.
Odygii: ‘Aadme la aragyaaba, dhib la arag.’’ Inta uu ku maah-maahay buu ugu jawaabay, ’waa layga faqaa, xantay maan moogi, waxaa keenay ma haysto garbo fiican oo aan si wanaagsan ugu duulo, waa lay amaana oo muunad iyo sharaf ayaan u ahay doorba kobtaan ka daahiro, intaan joogana waa laaygu mugtaaa.
Wiilkii: Adeeroow ducaad qabtaayee, Kabo feygamuuraan baad sidataayee maxaay ahaayeen kabahani, beryahan kuma arag dadka degaanka, waxaanse sheeko ku hayaa in sannado badan ka hor la xidhan jiray.
Odygii: War waa gabanka, kabahan waxa sita aniga iyo dhoowr qof oo kali ah, waa laga yaabaa in la helo kuwo sita kabo macmal ah, kuwaas u eg kuwo dhowaan la sameeyay, waxaay turjumaad u yihiin tariikh soo jireen ah, oo aay lahaayeen dad iga fac weeyn, ma taqaanaa hebel iyo hebel kale?.
Wilkii: haddaa hebel kuwa uu sitaa waa ka yara duwanyihiin ee ma dalkale ayaa lagu sameeyay? Aniguse hadaan doonto kabahan xagaan ka helayaa?
Odeygii: waxaa iska leh kabahaas dad kale oo aan kabahaas cidna u ogalaan, cidna aanay ammaano ugu dhiiban, adiguna ma heli kartid oo tolosho ma’aha kabahani ee waa tacab raac, anigu ba waan tolan lahaa haddii loo wada simanyahay, ammaano waad ku heli kartaa, hadaad is abaabusho.
Wiilkii: Xaajoow, lakiin, Kabo feygamuuraan waxaa loo qadan jiray si xarago iyo sharafi ku jirto, ee maxaa is bedelay, soowtan ilaa magaalooyinkii lagu iibinaayo oo dad badan xidhanyihiin?
Odygii:Adeer, waqtigooda ayaay la jaan qaadi doonaan, xaal waa is-bedelayaa, talona waa sii guuraysaa, kabahani hadaay halis ku jiraan, haddaan la badbaadin oo arinkasta lagu raacin, xaal waa adkaan doonaa. Waxaadse ogaataa ‘’ Afar gacmood abaar ka daran’’.
Wilkii yaraa oo hadalkii weli u hamuun qaba inuu si wado halka odaygiina cadho kasoo dhoowdahay, si lama filaan ah odey meel-kale fadhiyay cabaaradan la socday hadalada iyo dooda dhexmaray dhegta la raacayay, baa soo kacay intuu si cadho ku jirto usoo dul talaabsaday dadkii dushoodi iyo marti xaq-dhoowrkedii ku gefay ayuu wiilkii dhegta iyo dhabanka ku dhuftay, wuxuuna u raaciyay waryaa martida dhowr waa inanka, is-jir, oo is dhoowr gaban-koow, dadka goobta joogaa yaanay kaa caban, ileeyn waa ku martiyee oo odyagan si gaar ah u ilaali waqtigaas yar. Wiilkii yaraa isagoo yaaban ayuu ku yiri ‘’war kani maaha Odey ee waa Uddub Xujo. Sheekadii goobtaas ayaay ku gebo geboowday. W/Q: Xasan Cabdi Shire