UCID: Masuuliyiin Bil Gudaheed Markii Labaad Is-casilay Iyo Sababaha Keenay

0
55

masuuliyiin iska casilay ucid

Hargeysa:(Hubaal)-Masuuliyiin xilal sar sare ka hayey xisbiga mucaaridka ah ee UCID, muddo bil gudaheed ah markii labaad ku dhawaaqay inay is casileen, waxana ay eedo u jeediyeyeen guddoomiye Faysal Cali-waraabe.

Masuuliyiintan is-casilay oo kala ahaa afhayeenkii guud ee xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre “Shabbaash” iyo gudoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdi Dool Kaariye, ayaa shalay sheegay inay markale xisbigaas ka baxeen, iyada oo tilmaamay inay guuldarraysteen ergooyin hore arrintooda u gashay oo doonaysay inay turxaan bixin amaysaa.

Masuuliyiintan ayaa waxay ka dhawaajiyeen sababaha ku kalifay inay iscasileen iyaga oo sheegay inay tahay inaaan hawlaha xisbiga waxba lagala socodsiin, waxana ay guddoomiye Faysal Cali-waraabe ku eedeeyeen inuu arrimaha xisbiga ka talogelin waayey, isla markaana uu ka cago jiiday dardargelinta hawlaha xisbiga.

Ma ay sheegin Masuliyiintani meesha ay ku biiri doonaan, balse waxa ay tilmaameen inay maalmaha soo socda shaacin doonaan halka ay hankooda ku aamini doonaan.

Is-casilaadda xubnahan ayaa noqon doonta mid saamayn ku yeelata xisbiga UCID oo dhawaan uun kasoo kabsaday nabarradii siyaasadeed ee kasoo gaadhay kala jabkii uu xisbigaas kaga tegay murrashax Jamaal Cali Xuseen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here