Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa la filayaa inuu adeegsan doono hadalo ka dabacsan kuwiisii adadkaa ee ku aadanaa Islaamka markii uu maanta u khudbadeeyo hogaamiyayaasha dunida Muslimka.
Waxaa la filayaa in madaxweyne Trump uu hoosta ka xariiqi doono sida loogu baahan yahay in loola dagaalamo muslimiinta xagjirka ah.
Khudbaddiisa uu u jeedinayo hogaamiyayaasha gobolka ayaa waxa ay dhacaysaa maalinta labaad ee booqashadiisii ugu horreysay ee uu dibadda ku tego tan iyo markii uu xilka madaxweynaha Mareykanka ku guulaystay.
Waxaa la filayaa inuu isticmaali doono hadalo dabacsan si uu u xoojiyo taageerada uu Mareykanka u raadinayo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.
Sabtidii Mareykanka ayaa waddanka Sucuudiga waxa uu la saxiixday heshiis ganacsi oo gaaraya $350 bilyan.
Waxaa heshiiska ka mid ah heshiiskii ugu ballaarnaa ee dhanka hubka ee uu abid galo Mareykanka, kaas oo uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Rex Tillerson, ku sheegay in loogu talagalay in la isaga dhiciyo saameynta khatarta badan ee Iiraan oo ah dal ay gobolka isku hayaan Sucuudi Carabiya.
Hasayeeshee booqashada madaxweynaha ayaa waxaa qariyay dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira gudaha Mareykanka, oo ay ka mid tahay saameynta xilka qaadistii uu ku sameeyay madaxii hore ee FBI-da James Comey.
Mr Trump ayaa dhaliyay khilaaf intii uu ku jiray ololaha doorashada kaddib markii uu ku baaqay in si ku meelgaadh ah Muslimiinta looga mamnuuco inay soo galaan Mareykanka sababo dhanka ammaanka ah.
Shuruuc looga gol-leeyahay in lagu adkeeyo socdaalka dadka ka imanaya dalal Muslimiin ah ayaa weli horyaal maxkamadaha Mareykanka.
Xigasho: bbc