Trump Oo Afrika Ku Soo Kordhiyay “Dal Cusub”

0
161

Washington (Hubaal) “Heerka caafimaadka ee Nambia, wuxuu noqonayaa mid sare u kacaya oo dadka ku filan,” ayuu yidhi madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Hadalkaas wuxuu ka sheegay kullan uu madaxda Afrika kala qeybgalay oo Arbacadii lagu magaalada New York. Wuxuu ka hadlay hormarka ay gaadheen dalalka Afrika iyo sida ay u guuleysteen. Balse ma jiro wadan lagu magacaabo “Nambia” oo Afrika ku yaalla. Hadaba,suuragal ma tahay in madaxwaynaha Mareykanka uu ula jeeday Namibia, Zambia ama Gambia?

Dadka qaar ee baraha bulshada adeegsada ayaa si kala duwan uga hadlay “dalkaasi cusub”. Qaar ayaa ku tilmaamay dal lagu mideeyay saddexdaasi waddan.

Warar ku saabsan dalalka Namibia, Zambia iyo Gambia.

Madaxweynaha Namibia, Hage Geingob oo ka qeybgalay kullanka New York, weli kama aanu hadlin arrintaasi. Sidoo kale Trump wuxuu Afrika ku tilmaamay “awood ganacsi oo aad u wayn”. Dadka qaar ee baraha bulshada isticmaala ayaa si kala duwan uga hadlay arrintaasna. “Waxaan leeyahay saaxiibo badan oo tegaya dalalkiina si ay taajiriin u noqdaan. Waa idiinkugu hambalyeynaayaa taas,” ayuu yidhi Trump. “Waxaan matalayaa ganacsiyo waawayn oo kala duwan. Waxay Afrika noqoneysaa meel ay dad badan usii jeedaan, way doonayaan in ay Afrika tagaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dad badan ayaa u arko in arrin muhiim ah uu ka dhawaajiyay madaxweyne Trump marka uu ka hadlayo in “dad badan ay Afrika u yimaadaan si ay u taajiraan”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here