Wiilkii Saldhiga lagu dhex toogtay oo saaka hiirtii naftu kaga baxday cusbitaalka Hargeysa
Hargeysa (Hubaal)-Innaa lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun,waxaa subaxdii hore ee saaka ay naftu ka baxday ardaygii maxbuuska ahaa ee aroornimadii shalay uu askarigu ku dhex toogtay saldhigga Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa.
Marxuumkan oo lagu magacaabi jiray Axmed Dayib Cabdi Korse ayaa u dhintay dhaawacyo culus oo kasoo gaadhay Rasaas uu huwiyey askari ka tirsan ciidanka Boolisku, taasoo shaandhada ka dhigtay madaxa iyo qaybo badan oo jidhkiisa ah.
Falkan foosha-xun ayaa waxaa ka hadlay taliyaha ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku tilmaamay shil dhacay, isagoo sheegay in gacanta lagu dhigay askarigii toogtay wiilkaasi, isla markaana si deg-deg ah sharciga loo horgeyn doono.
Dhimashada wiilkan ayaa imanaysa maalmo kadib markii ciidamada bileysku wiil yar ku toogteen magaalada hargeysa afar qof oo kalena ku dhaawaceen xabad ay ku fureen dad shacab ah.
Bileyska Somaliland ayaa toddoba cisho gudaheed ku dilay sadex qof halka ay afar kalena u jiifaan dhaawacyo kasoo gaadhay rasaas ay fureen askarka ka tirsan ciidanka Somaliland.