Tifaftiraha BBC-Da Ee Afrika [Mary Harper] Oo Sharraxday Taabgaabnida Dawladda Soomaaliya Iyo Tallaabada Somaliland

0
26

“Somaliland waxay u dhaqmaysaa sidii dal la aqoonsan yahay oo kale…. Somaliland iyo DP World way sii wataan heshiiskooda maadaama Soomaaliya aanay tahli karin inay maamusho  meel ka baxsan Muqdisho”

 

Hargeysa(Hubaal)- Tifaftiraha Idaacada BBC-da ee Afrika, Mary Harper, ayaa  qirtay fadhiidnimada  xukuumadda  Soomaaliya, halka ay Jamhuuriyadda Somaliland-na  ku tilmaantay dawlad aan la  ictiraafin   oo haddana u shaqeynaysa  sidii inay aqoonsi haysato oo kale. Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA ayaa caawa turjuntay warbixin ay qortay suxufiyada caanka ah ee Mary Harper oo ah tifaftiraha BBC-da ee Afrika, oo  ciwaan looga dhigay “Qulqulatooyinka dalalka gacanku sidee ayey ugu fidi karaan bariga Afrika?.” waxaanay Mrs. Harper  kaga hadashay sida Soomaaliya ay uga soo horjeedsatay heshiiska  shirkadda DP World ay la gashay Somaliland iyo heshiiska saldhiga millatari ay dawladda Isku tagga imaaraadka carabtu kaga samaysanayso magaalo xeebeeda Berbera. Mary Harper ayaan shaacisay  inay   Somaliland u dhaqmayso sidii dal aqoonsi haysata oo kale, iyadoo aan haddana caalamku  weli ictiraafin. Tifaftiraha BBC-da ee Afrika waxay  markhaati kacday  in Somaliland ka nabadgelyo wanaagsan tahay Soomaaliya oo ay leedahay dawlad, hay’ado  sharci, lacag iyo calan u gaar ah. Waxa kaloo suxufiyadaasi   ay intaas raacisay  in Somaliland la iskugu wareejiyey awooda si nabadgelyo ah doorashooyinkii xidhiidhka ahaa ee ka qabsoomay  Somaliland.

Warbixintani waxa lagu bayaamiyey in Somaliland iyo DP World ay sii wataan heshiiskooda maadaama ay la socdaan in xukuumadda Soomaaliya aanay tahli Karin inay maamusho  meel ka baxsan Muqdisho. Danjiraha Somaliland u fadhiya waddanka Imaaraadka carabta Baashe Cawil Cumar ayaa  colaad iyo nacasnimo ku sifeeyey dhawaaqa Soomaaliya. Safiirka Baashe  waxa uu xaqiijiyey  in saldhiga millatari ee Imaaraadku ka furanayo Berbera ay  ciidammada ammaanka ee Somaliland oo ka heli doonaan tababaro.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here