Telesom Oo Walaac Ka Muujisay Dawladdihii Kala Danbeeyay Ee KULMIYE
Hargeysa (Hubaal) Maxamed Yuusuf Cali Alloore oo ka tirsan saraakhiisa sare ee shirkadda Telesom ayaa sheegay inay shirkaddoodu ay wajahaysay culays kaga imanayay dawladdahii kala dambeeyay ee Somaliland, tii Siilaanyo iyo dawladda haatan ee uu madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi.
Maxamed Yuusuf Cali Alloore oo shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay u hogaansamayso go’aammadii xukuummaddu kasoo saartay sicir-bararka iyo isticmaalka shillinka Somaliland.
DAAWO:
Dhica kale, Mr. Alloore waxa uu sheegay in shirkadda Telesom ay cabashadeeda u gudbin doonto Madaxweyne Biixi.