Hargeysa (Hubaal) Tartaankii koobka kubada kolayga ee bisha Ramadan Maxamed-Rashid Cup ayaa uu gudbay wareega kama dambaysta ah ee ciyaarta final-ka ee kooxaha heerka kowaad ee serie A iyo kooxaha heerka labaad ee serie B, waxana afarta kooxood ee wareega heerarka A iyo B u baxay Final-ka kooxaha Wasarada Tamarta iyo Nagaad oo heerka serie A, halka heerka kooxaha serie B ay uu soo baxeen ciyaarta kamadambaysta ah oo kala ah Jig jiga yar vs. Jamacaada Hargeysa. Tartankan oo lagu magac daray halyaygii xoriyatul qowlka saxaafadda madaxa bannaan isla markaana ahaa xoghayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA allah ha uu naxaristee marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faraax, ayaa ka bilaabmay garoonka kubada kolayga ee Timacadde bilowgii bisha Ramadaan, isla markaana haatan soo gaadhay ciyaaraha kama dambeysta ah, waxana habeenkii xalay wada kulmay ciyaarta kowaad ee heerka B kooxaha Jiga jiga yar vs Faceboog, Waxana badiyay kooxda Jiga jiga yar oo 21 dhibcood ama gool kaga badiyay kooxdii ku ciyaaraysay Faceboog oo 10 gool ama dhibcood ka keensaday. Dhanka kale waxa Ciyaartii ugu damabeysay oo ay wada kulmi lahaayeen kooxaha Nagaad Vs. Tv-ga Qaranka ee heerka kooxaha serie A, ayaan gebi ahaanba qabsoomin, maadaama kooxda ku ciyaaraysay magaca Tv-ga qaranka ay gudiga qabanqaabada ee wareegani ganaaxeen kooxdaas, ka dib markii ay ku kaceen nidaam sharciga baalmarsan iyo anshax xumo sida ay guddigani sheegaan taas oo keentay in gebi ahaanba laga mamnuuco ciyaaraha tartankan, sababtaas awgeed waxa Kooxdii la ciyaaraysay ee Nagaad la siiyay dhibcaha badiska ah ee kulankaas oo noqday mid ay Kooxda Nagaad ku laagato kooxdii tartanka laga saaray ee TV-ga Qaranka ku ciyaarayay.
Kooxaha heerka labaad ee serie B ayaa ciyaartooda kama dambaysta ah ay wada kulmi doonan kooxaha Jiga jiga yar Vs. Jamaacadda Hargeysa maalinta Isniinta ee habeenka Salaasadu soo galayso, halka ciyaarta kama damabaysta ah ee serie A-dana ay wada kulmi doonaan kooxaha Wasarada Tamarta vs. Nagaad habeenka Arbacadu soo galayso ee soo socota.
Naatijaadi Ciyaarta Semi Finaylka
Serie B – Jig Jiga yar Vs. Faceboog 21 -10
Serie A – Nagaad Vs. Tvga Qaranka wa lagu tuurtay
Ciyaarta Finaylka
Wasarada Tamarta Vs. Nagaad Wednesday July 14, 2015
Jiga Jiga yar VS. Jamacada Hargeysa Monday July 13, 2015