W/Q: Cabdillaahi Cali Xasan (John)
Saxaafadda Somaliland waxay u baahantahay hub ka dhigis iyo mideyntii Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Jabhadahii ku sameeyey, 23 sanno ka dib ayey saxaafadda Somaliland halkaa u baahantahay runtii. Waxaa had iyo jeer Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA uu cabasho, cannaan iyo cadaalad daro ku muujiyaa tacadi iyo turin-turayn kagga yimaadda Siyaasigga iyo Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horayn albaabka saxaafadda lagga soo gallo iyo qeexidda saxaafadda ayaa ku qotonta weedho far waaweyn ku xardhan, oo nuxurkeeddu yahay u adeegidda Bulshadda iyo ilaalinta hawlaha Qaranka iyo kuwa bulshadda shacabkaa intaba, taasi oo qaab xalaala oo xora ugu adeegaysa Bulshadda guud ahaan. Hadaba, Suxufigga maantu waa mid qabyaalad guntan, oo eex iyo nacayb soo hulaabtey, isla markaasinna sita magac qabiil ama deegaan, oo marka aad isha ku dhufto ay kagga baxayso hadafka iyo ujeedooyinka uu gudbinaayo magaca saxaafadda iyo hab dhaqanka Suxufigga. Suxufigga maantu waxuu taageeraa nin reerkooddaa oo jiritaankiisa saxaafadeed ee WARAAQ ama MAREEG ku dhisantahay, isla markaasinna uu xooggaa dhaqaalaa kagga qaataa. Suxufigga maantu waa hasha geella cunta ee cabaadda, waanna kuwo aad habdhaqankoodda iyo shaqa hawleedkooddu aad u liito oo had iyo jeer abuura cadaawad iyo cilad bulshadda lagu kala qaybinaayo, taasi oo kala safasho iyo suti xodayood ku keenta Bulshadda midkaa ee reer Somaliland. Suxufigga iyo Siyaasiggu waa kuwo had iyo jeer Garoonka Siyaasadda ku wadda jira oo saxiibtinimo weyn iyo wadda shaqayn hufan wadaagga, waa kuwo isku sidkan oo aan marnaba kala maqnayn ama isku lidi noqon Karin, laakiin ay ku dheehathaya shuruud Sali-curiye ay u tahay, haddii aad khalad samayso bulshadda ayaan gaadhsiin. Laakiin maha Suxufigga maantu mid garan kara doorkaasi iyo wadda jirka shaqo ee isagga iyo Siyaasigga ka dhaxaysa had iyo jeer. Suxufigga maantu, waxuu u badanyahay, Geeljire la joogga Geel sumadda reerkooddu ku taallo, oo habdhaqankiisa iyo doorkiisa hawleed ku dhisanyahay qabyaalad laggu taageeraayo inaadeerkii. Taasi waxay keentay in Saxaafaddii ku milanto Siyaasaddii, oo Saxaafaddii ay cay iyo calyo ku weerarto Masuuliyiintii Xukumadda, iyadoo weliba garoo suxufigaasi shaqaale dowladeed yahay oo mushahaari yahay ayuu dagaal iyo dufan ku ekeeyey Wasiiraddii iyo hormoodkii Xukumadda. Waxay taasi noqotay, ayaan daro inteedda leeg iyo in Sauxufiggu garan waayo macnaha suxufi iyo waxa shaqadiisu tahay, iyo weliba dariiqa loo maraayo gudbinta hawlahiisa iyo adeegga hufan ee saxaafadeed. Waxaan aad u hanbalyeynayaa Suxufigga magaca hufan wata ee Bulshadda sidda bilan ugu adeegga, isla markaasinna xidhiidhka weyn la leh nin aanu jecelayn iyo nin uu jecelyahayba. Waxaan ka midahay qoraa ahaan ragga saxaafadda xidhiidhka weyn la leh, isla markaasinna saamayn weyn ku leh Suxufi badan oo Bulshadda magac iyo mamuus weyn ku leh maanta, isla markaasinna wata magac aan qabiil ahayn ama aanu ka muuqan deegaan iyo dad gaara. Wakhtiyaddii horaantii sagaashanaadkii oo aan waraaqaha dalka ka jirey ee Codka, Jamhuuriya, Himilo aan wax ku qori jirey dhalin yaraddii waraaqaha iibin jirey wakhtiggaa, waxay noqdeen rag ku barbaaray saxaafadda oo itaalkay doonaan ha yeeshaane mihnadda Saxaafadda ku xoogsadda maanta. Saxaafadda Somaliland weli waa fadhiid waanna mid habdhaqankeeddu yahay beelaysi iyo reer hebel, wallow ay jiraan Saxaafad ay ka hawl galaan rag isku dhafan oo dhaqankoodda iyo hawlahooddu yahay mid aan dhibi ka jirin marnaba. Saaxiibka ugu dhow ee Suxufiggu waa Siyaasigga, markaa qaabka aad u naqdiyeyso khaladka Siyaasigga waxaa loo baahanyahay inuu noqdo mid aan cadaawad iyo ciladdi ku jirin, laakin lagga marag kici karo xaaladda markaasi lagga qoraayo Siyaasigga. Haddii kale Suxufiggu xadhig iyo ciqaab ayuu gelayaa ku dhisan aflagaaddo iyo dagaal toosa oo ka dhanna Siyaasigga, waxaannu Suxufiggu dhinaca si khaldan u saarayaa inaadeerkii, taasi waxay liddi ku tahay hadafka iyo nidaamka shaqo ee Saxaafadda iyo Suxufigga labadaba. Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ragga sidda weyn u difaaca ee doorkeedda iyo geedi socodkeedda dowladnimo wax ku lahaa ayaan ka mid ahay, Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa nin qiima badan oo aan aad u ixtiraamo, oo nidaamkiisa aan aad u difaaco. Hadanna waxaan ahay nin warkiisa iyo weedhiisu cadahay oo aan dhaliisha Xukumaddu leedahay indhaha ka rogan. Waxaan ahay nin aan reernimo iyo qabyaalad ku habran, ee waxii ummaddu ay wadda leedahay waxii ka khaldama ama ka qaloocda farta ku fiiqa, si ummaddu u aragto ninkaa wax saxaaya inuu madaxweyne Axmed Siilaanyo inaadeerkii yahay. Rag badan ayaa odhanaaya waar qabyaaladda joojiya ninkaa qaylinayaa sow reerkaa maha, taasi oo daawo u noqon karta midnimadda iyo wadda jirka Qarannimadeenna iyo hawlaheenna nin xumi had iyo jeer kala dhilaayo, ee kala dilaayo. Jeebka nin leeg aniggu shaqsiyan ma ahi, cadda qaate leef-leef iyo feenasho rag ku raacanna ma ahi, laakiin rag waxii mabda Qaran ah ee aanu shuraako ku nahay, haddii lagga leexdo, waar ka daaya nin yiraahda ayaan ahay, haddii lagu sii socdanna nin ka badheedha ayaan ahay. Beri dhoweyd oo Xukumadda iyo Xisbigeedda aan waxii leexday naqdiyey, rag Suxufiyiinya ayaa yidhi inaadeer waad na furatay, taasi oo aniggu aan u arkaayey hadal khaldan iyo inay jecel yahiin in Xukumadda laggu miiso dagaal iyo dacaayad. Hadaba, Ururadda Saxaafadda ee tacadigga iyo turun-turadda sheegtay sidda SOLJA waxaan leeyahay hulaabka eexda iyo dagaalka iyo guntigga qabyaaladda ha layska furo oo Qaranka ha loogu adeeggo qaab ay ku dhisantahay hufnaan, cadaalad, sinnaan iyo Wadaniyad qaan gaadha had iyo jeer. Nin walowba ninkaad raacday ee inaadeerkaaya ka soo hadh, oo xidhiidhka Siyaasigga iyo Bulshadda reer Somaliland kor ha loo qaaddo. Saxaafad miciyaha dhiig ku leh la dooni mayo, ee waxaa loo baahanyahay saxaafad nabad iyo caanno afkoodda ay ku niggi dahay oo garan karta saamaynta warkooddu uu keeni karo, inta aanu bulshadda soo gaadhin. Saxaafaddu waa middi laba af leh, ragga maanta Saxaafadda ka hawl gallaa ma kala yaqaanaan, ee waa hortaa bannaan iyo bello guuraysa. Ninkii baratakoolka Saxaafadda iyo Suxufigga jebiya waa la xidhayaa, ninkii dhisibiliinka baal marana waa la ciqaabayaa oo shaqadda Suxufigga ayey qayb ka tahay.
Markaa waxaa loo baahanyahay in Suxufiggu garto waajibaadka saran iyo fulinta hawlahiisa oo taxader iyo qabyaalad la,aan weyn u baahan.
Raggii Dhaanka wadi jirey ayaa saxaafaddii gacanta ku qabtay, waa nin yaqaanna koor furasho iyo sidda Boolidda iyo Woohoyda laysuggu caraabiyo.
Dabadeed dalkii waxuu noqday dhamac iyo qodax daadsan oo laggu gubanaayo ama loo dhutiyo, si baahsan oo weyn.
Saxaafadda iyo Suxufigga waxaan leeyahay, waar ninka idiinku dhowi waa Siyaasigga, Siyaasinna in lala coloobaa amuur haboon maha.
Ummadda wanaageedda in lagga shaqeeyo weeye oo kala qaybinta iyo qabyaaladda maanta Saxaafadda Somaliland u taallo lagga soo noqdo.
Maxaad ii sheegaysaa warkaagga, waraaqdaadda iyo mareegtaaddu waa mid reeraysan oo danno khaasa gudbinaysee, sowdiggaa reer hebeleeyey ee ummaddii kala raray.
Waxaan leeyahay halkii aynu marayney beriggii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Jabhaddii SNM ciidanka u rogey, isla markaasinna HUB ka dhigsta ku sameeyey maanta oo 23 sanno ka danbeysey, idinka oo ah Saxaafadda Somaliland ayaa u baahan HUB ka dhigis iyo in laydin mideeyo.
Waxiinnu saxaafad maha ee waa jilib jilib iyo reero wax qora oo nin weliba reer hebel ku xaggo iyo ninkii aanu doonayn.
(Check and balance) ayey u baahantahay saxaafadda Somaliland, waxay u baahantahay saxaafadda Somaliland hub ka dhigis weyn.
Waanna ayaan daro weyn oo inteedda leeg in Saxaafadda Somaliland shan iyo labaatan sanno ka bacdi ay noqoto mid aan bislayn oo indho la,aan iyo dad cunnimo weyn isku darsata.
Cabdilahi Cali Xassan (Cabdillaahi –John)