GUDAHA KA AKHRI: Deeqo Musuq-maasuqan Iyo Caqabado Maareyn U Baahan Oo Miiska U Saaran Mas’uuliyiinta Cusub Waxbarashada Loo Magacaabay
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka iyo wasiir ku xigeen cusub ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere) iyo Md. Yuusuf Cismaan Garas ee uu Madaxweynaha Somaliland habeen hore xillalkan u magacaabay, waxa ay wajihi doonaan hawl adag oo culayskeeda iyo maareynteedaba u baahan oo ay ka dhaxleen maamulkii iyaga ka horeeyay. Ugu horayn, Wasaaraddan oo ka mid ah Wasaaraddaha ugu muhiimsan uguna mudan qaranka, ayaa waxa heysta carqalado xooggan oo abuuray khilaafaad cakiran oo ka dhashay deeq furasado waxbarasho heer Jaamacadeed ah, oo dhan Laba Boqol oo arday oo ay dawlada Ethioipia, ugu deeqday Somaliland, sidaa daradeed, waxa xusid mudan in dood dheer iyo falanqeyn kaddib, wejigii kowaad ee qeybinta deeqahan ardayda loo maamulay si cadaalad ah, iyada oo qiimaynta saldhig looga dhigay sidii ay ay imtaxaanka u kala sareeyeen ardayda Somaliland, ee sannadkan ka baxday dugsiyada sare ee dalka, arrintaas oo uu xafiiska imtaxaanaadka qaranku si cadaalad ah miiska u soo dhiggay Labadii Boqol ee arday ee u sareeyay ardaydii dugsiyada sare, iyada oo ay harreeraha ka fadhiyaan masuuliyiintii Wasaaradda Waxbarashada sida Wasiirkii hore, ku xigeenkiisii, Wasuurul dawlaha Wasaaradda, Agaasimaha guud ee wasaaradda, iyo Guddoomiyihii xafiiskii imtaxaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax, intaa kaddibna, waxa Ethiopia, loo diray Wasiirul Dawlihii Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, Axmed Nuur Faahiye, iyo Agaasimihii guud ee Wasaarada, si ay liiskaa la isla qaatay ugu gudbiyaan Ethiopia. Warku waxa kale oo uu intaa ku daray, in Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Abiib Axmed Cali, uu si dhakhso ah ugu soo noqday dalka hawlo u yaallay awgeed, waxaanu hawshii kaga yimi Wasiirul Dawlihii Wasaaradda Waxbarashada. sidaas daradeed, waxa wakhti xaadirkan soo if-baxday in Wasiirul dawluhu, uu Ethiopia, u gudbiyay liis aan ahayn liiskii arrdayda ee rasmiga ahaa ee ay wasaaraddu isla qaadatay, waxaanay taasi sababtay khilaafyo iyo isku dhacyo ka dhex alloosmay maamulayaasha dugsiyada sare ee Hargeysa, iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, taas oo sababtay in shir ka dhacay xarunta xafiiska imtaxaanaadka qaranka Somaliland, ee Hargerysa, oo ay goob joog ka ahaayeeen maamulayaasha dugsiyada sare, Guddoomiyaha Xafiiska imataxaanaadka qaranka, Wasiirul dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada oo hada laga dhiggay Wasiir ku xigeenka wasaraada dhallinyarada iyo ciyaaraha. Falanqayn iyo buuq dheer kaddib, waxa kulankaa xasaasiga ahaa la soo qadimay liiskii hore ee ardayda ee xafiiska imtaxaanaadka iyo madaxda Wasaaraddu ay u dhiibeen Wasiirul dawlaha, iyo shahaadooyinkii ardyda ee ee Originalka ahaa ee la sii qaaday, waxa sidoo kale la soo dhiggay liiska cusub ee uu Wasiirul dawluhu la shir yimi, taas oo si weyn u cadho gelisay dhamaam dadkii iyo masuuliyiintii shirkan fadhiday, isaga oo Wasiirul dawluhu markii at arrintu jig ku noqotay ku tiraabay in uu qaldamay xaalna uu siinayo cid kasta oo ay arrintani saamayn ku leedahay, waxaana la sila qaatay, in qaladkaa weyn ee dhacay laga dabo tago oo dib loo saxo, isla markaana dawlada Ethiopia, mar labaad dib loogu diro liiska ardayda ee saxda ah ee xaqa u leh in ay deeqdaa waxrasho galaan. Illo wareedyo xogoggal ah oo arrimahan si weyn ugu dhuun dalloola, ayaa Hadhwanaagnews oo aanu warkan ka soo xiganay u sheegay in liiska ardyadda ee Wasiirul dawlaha Wasaarada Waxbarashadu gudbiyay uu u badan yahay arday aan ku jirin liiskaa laysla qaatay, taas oo shabakadu ku tilmaamtay hadii aan la saxin sumac xumo iyo magac dil xoog leh u soo jiidi karta guud ahaan qaranka gaar ahaan xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo immika xisbul xaakimkisa KULMIYE, isu diyaarinayo sidii uu mar kale u hannan lahaa hogaanka sare ee talada dalka..
Maxaa La Gudboon Wasiirka Cusub iyo ku Xigeenkiisa?
Mas’uuliyiinta sare ee dhawaan madaxweynuhu u magacaabay Wasaaradda Waxbarashada oo uu horreeyo Wasiirka cusub ee Wasaarada Cabdilaahi Dheere, iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Garas, ayaa Hadhwanaagnews.com warbixinteeda ku tilmaamtay in ay xafiisyada markay la wareegaan ay miiska ugu tagi doonaan caqabadahan oo maarayn u baahan kuwaas oo looga fadhiyo in ay dhugasho iyo fiiro dheer oo caddaalad ku qotonta ay u yeeshaan xallinta arrintan, iyaga oo kaashanaya mas’uulka ay arrintani sida tooska ah u khusayso oo ah Guddoomiyaha xafiiska imtaxaanaadka Qaranka Somaliland, Daa’uud Axmed Axmed Faarax, oo ah masuul muddadii uu joogay xafiiskan ku sifoobay cadaalad, eex la’aan iyo xilkasnimo wadaniyadeed. Geesta kale, waxa la gudboon Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mr Geedoole, iyo wasiir ku xigeenkiisii hore, in maamulka cusub ee iyaga badalaya aanay u hadoodilin mushkildahan iyo qaladaadkan sababi kara mudaharaado iyo deganaansho la’aan cadaal darro ka kaca oo ay ku kacaan ardaydii laga musuqay deeqihii waxbarasho ee ay xaqa u lahaayeen, waxaana si weyn isha loogu hayaa hadba sida ay wax uga qabtaan arrintan madaxda cusub ee Wasaaradda Waxbarashada ee xilka la wareegi doonaa maalmaha soo socda.
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
bayga01@gmail.com
Source: Hadhwanaagnews.com
Hargeisa/Somaliland