Taksiile Daacada Ah Oo Celiyay Wixii Gaadhigiisa Lagu Illoobay Oo Abaalmarin La Siiyay

0
56

taxi

Darawal taksi oo ku nool dalka Filibiin, kaas oo dib u celiya alaabta qiimaha leh ee gaadhigiisa lagu illaabay, ayaa lagu abaalmariyay inuu ka shaqeysto waxna ka barto dalka dibaddiisa.

Reggie Cabututan, oo 30-sano jir ah, ayaa lagu sharfay magaalada Banguio, waxaana la siiyay fursad uu wax uga barto kagana shaqeysto dalka Australia. “Waxa aan sameyn jiray ayaa ah inaan noqdo oo aan geeyo alaabta marka aan ogaado in gaadhigeyga lagaga tagay,” ayuu u sheegay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Ficillada uu sameeyay ayaa si weyn loogu amaanay baraha bulshada ee caalamka oo dhan. Nin ganacsade ah oo u dhashay dalka Australia ayaa ku qoray bartiisa Facebook, wuxuuna sheegay in Cabututan uu u celiyay Laptop-kiisa qiimihiisu yahay kumannaan dollar iyo baasaboor, kuwaas oo uu ku dhex illoobay gaadhiga, ka dib markuu xanuunsaday.

“Arrinta ay tahay in diiradda la saaro ayaa ah sharafta uu leeyahay,” ayuu yidhi ka dib markuu farriinta ku daabacay Facebook. “Reggie wuxuu amaano ahaan u hayaa wixii gaadhigiisa looga tago ee magaalada Banguio, anigana nasiib ayaan u yeeshay inaan barto intaan safarka ku joogay Filibiin”. “Anagoo ka soo baxayna saldhig boolis si aan u gudbino dacwo ah inaan alaab waynay, ayaan aragnay gaadhi taksi ah oo nagu soo baxay. Alla muxuu lahaa weji qurux badan oo faraxsan. Maxay guul bini aadamnimo tahay!”

Farriin kale oo Facebook la dhigay oo ka dhalatay daacadnimadiisa ayaa sababtay in isaga iyo qoyskiisa ay tagaan dalka Australia. Wuxuu halkaas ka baran doonaa Software, oo lix-bilood ah, ka dibna wuxuu ka shaqeyndoonaa shirkadaha uu leeyahay ninkii uu u celiyay laptop-ka iyo baasaboorka oo lagu magacaabo Shields.

“Marka uu dhammeeyo waxbarashada, waxaa loo ballan qaadayaa inuu helayo tababar shaqo oo wanaagsan, si uu u billaabo shaqo uu mushaar fiican ka helo,” ayuu ku qoray bartiisa.

Cabututan wuxuu sidoo kale abaalmarin ka helay maamulka dowladda ee Banguio xilli ay Isniintii halkaas ka socotay munaasabadda maalinta calanka, sida ay warbaahinta dalkaasi ku warramayaan.

Xigasho: bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here