Hargeysa(Hubaal)- Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax [Guri-barwaaqo], ayaa isku shaan-dhayn ballaadhan ku sameeyey waaxaha iyo kala duwan ee wasaaraddaas, waxaanu sheegay in isku shaandhayntani tahay dib u habayntii koowaad ee uu ku samaynayo wasaaraddaas. Waxa kaloo uu ku yareeyay la-taliyeyaashiisii oo uu ka soo reebay hal la-taliye oo kaliya.
Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay wareegto uu soo saaray khamiistii oo u dhignayd sidan:-
“Ka dib markii aan muddo dheer ka fiikirayey dardar gelinta hawlaha shaqo ee wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, iyada oo la tixraacayo siyaasada guud ee horumarinta adeega bulshada ee dawladda, isla markaana kor loogu qaadayo la xisaabtanka masuuliyiinta iyo kor u qaadista wax soosaarka guud.
Kadib markaan arkay in qaabkii hore iyo duruufihii ka jiray wasaarada oo aan la jaan-qaadi karin isbeddelka cusub.
Kadib markaan arkay nidaamka maamul ee shaqaale iyo shaqo ee wasaaradu uu gabi ahaanba burburay lagama maarmaana ay noqotay in wax ka beddel lagu sameeyo.
Kadib markaan arkay in qaab dhismeedkii hore ee waaxyaha iyo qaybaha wasaaradu aanu ku dhisnayn qaababka ku habboon ee shaqada wasaarada.
Kadib markaan arkay in tayada iyo wax soo saarka qaybaha wasaaradu ay liidato, loona baahan yahay in kor loo qaado dhinac kasta.
Ka dib markaan arkay isbedelka lagu sameeyey qaab-dhismeedkii hore ee Telefishanka Qaranka.
Waxaan go’aansaday in aan magacaabis, isku beddel iyo xil ka qaadis aan ku sameeyo masuuliyiinta soo socda:
Waaxda TVga Qaranka:
Muuse Faarax Jaambiir, Agaasimaha Waaxda TVga Qaranka
C/casiis Caydiid Cilmi (Yemeni), Madaxa Barnaamijyadda TVga Qaranka
C/risaaq Cismaan Maxamed K/Xigeenka Madaxa Barnaamijyadda
Maxamed Foosi Maxamed, Madaxa wararka TVga Qaranka ee Kaltanka 1aad (Shift 1)
Maxamed Axmed Shabeel, Madaxa Wararka TVga Qaranka ee Kaltanka 2aad (Shift 2)
C/kariin Muuse Cabdi (Dalmar), Madaxa TVga Qaranka ee Dibbada.
Waaxda Wakaalada Wararka (SOLNA)
Cumar Maxamed Faarax, Agaasimaha Waaxda Wakaalada SOLNA
Muna Maxamuud Cabdi, Agaasime K/Xigeenka Wakaalada SOLNA
Khaalid Axmed Cali, Madaxa Monitoring-ka Wakaalada SOLNA
Xuseen Cali Caraale, Madaxa IT-ga & Online W/Warfaafinta
Axmed Ismaaciil Xuseen (Cirro), Editor (SOLNA News Desk)
Khadar Nuux Yoonis, Assistant Editor (SOLNA News Desk).
Waaxda Wargeysyadda
Maxamed Axmed Jaamac, Agaasimaha Waaxda Wargeysyadda
Daahir Maxamuud Xadi, Agaasime K/X Waaxda Wargeysyada.
Waaxda Wax-soo-saarka & Fiimada
Deeq Aw Cali Yuusuf, Ag: Waaxda Wax-soo-saarka & Filimada
Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi), Ag: K/X Waaxda Wax-soo-saarka & Filimada.
Waaxda Farsamada
Maxamed Maxamuud Xasan (Mijir), Agaasimaha Waaxda Farsamada
Mawliid Cumar Qawrax, Agaasime K/Xigeenka Farsamada
Ayaan C/risaaq Jaamac, Madaxa Farsamada TVga & Idaacada.
Waaxda Maamulka
Maryan Diiriye Samatar, Madaxa Shaqaalaha W/Warfaafinta
Filsan Maxamed Cismaan, K/Xigeenka Madaxa Shaqaalaha
Deeqa Axmed C/laahi, Qasnajiga Wasaaradda Warfaafinta
Safiya Axmed Saalax, Kaaliyaha Qasnajiga W/Warfaafinta.
Gudiga Tayada & Tifaftirka Wasaaradda (Ministerial Editorial Board)
Shukri Xariir Ismaaiil, Gudoomiye
Maxamed Xasan Cali (Waji), Gudoomiye K/Xigeen
Siciid Aadan Cige, Xubin
Safiya Cali Yuusuf, Xubin
Xuseen C/laahi Deeqsi, Xubin
Yaasmiin Axmed Yuusuf, Xubin
Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar), Xubin
Waaxyaha dib u sixida iyo ibedelka lagu sameeyey qaab-dhismeedkooda ka dib markaan aragnay inay ka hor imanayaan qaab-dhismeedka iyo wax ku oolnimada shaqada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta JSL.
Waxa ka mid ah:
- Telefishanka Qaranka:
Waxa uu Madaxweynaha JSL uu soo saaray xeer-nidaamiyaha dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ee Xeer No: Lr. 01/2018, xeerkaasi oo gabi ahaanba isbadal ku sameeyey maqaamkii Telefishanka Qaranka JSL waxana laga dhigay waax si buuxda u hoos imanaysa Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta sida waaxyaha kale.
Sidaa awgeed waxa meesha ka baxay mansabyadii Maareeyaha & Agaasime waaxeed.
Waxa kale oo meesha ka baxay mansabkii Chief Editori-ka TVga Qaranka oo hawlihiisa ay kala qabanayaan Agaasimaha Waaxda TVga Qaranka & Madaxa Barnaamijyada TVga Qaranka.
Waxa kale oo ibsedel agu sameeyey nidaamkii shaqo iyo xafiisyadii dibadda ee Telefishanka Qaranka.
- Idaacada:
Kow Idaacada Radio Hargeysa maanta laga bilaabo waxa ay yeelan doontaa Ag: Waaxeedka Idaacada & Agaasime K/Xigeenka.
Labada Idaacadood ee midna quraanka kariimka ahi ka baxo midna barnaamijyada iyo wararka qaranku ka baxo waxa ay si toos ah u hoos tagi doonaan Agaasimaha Waaxda Idaacada Radio Hargeysa.
Waxana Ag: K/Xigeenka Idaacada Radio Hargeysa loo magacaabay.
Waaxda Idaacada Radio Hargeysa
Maxamed Siciid Muxumed, Ag: K/Xigeenka Waaxda Idaacada.
- Qorshaynta:
- a) Laga bilaabo maanta waaxdii qorshaynta waxa laga dhigay madax-aybeed hoos iman doona waaxda Maamulka & Xisaabaadka ee W/Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta JSL, waxana loo magacaabay in uu madax u noqdo:
Madaxa Qorshaynta
Faysal C/rashiid Aadan, Madaxa Waaxda Qorshaynta.
Waaxyaha iyo mansabyada la baabi’iyey jiritaankoodii ee laga saaray qaab-dhismeedka Waraasadda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta JSL ka dib markaan aragnay inay ka hor imanayaan nidaamka shaqo ee Wasaaradda.
Waxa ka mid ah:
Maareeyihii & Maareye K/Xigeenkii Telefishanka Qaranka.
Agaasimihii Waaxda Qorshaynta waxa laga dhigay qayb.
Agaasimihii TVga Qaranka ee Yurub.
Tifaftirihii guud ee TVga Qaranka (Chief Editor).
Maamulihii Idaacada Quraanka & Maamulihii Radio Hargeysa.
Dhamaan wixii Madaxa Editing-ka ah.
Madaxa Studiyaha Localka.
Madaxa Transmiterrada Wasaarada.
Madaxa Mishiinadda.
Waxa kale oo la dhimay tiradii la-taliyaasha Wasaarada, waxana laga soo reebay hal la-taliye oo kaliya oo ah la-taliyaha gaarka ah ee Wasiirka (Mudane: Yoonis Cali Nuur).
Masuuliyiinta xilalka laga qaaday iyo kuwo uu xeer-nidaamiyihii dawlada ee ugu danbeeyey ka saaray meesha:
Khadar Maxamed Cakule, Maareeyihii TVga Qaranka
Maxamed Xuseen Faarax, Maareeye K/Xigeenkii TVga Qaranka
C/raxmaan Cali Ubaxle, Agaasimihii TVga Qaran ee Yurub
Maxamed Cismaan Mire (Sayid), Agaasimihii Wargeysyada Dawan
C/laahi Aadan Maxamed, Agaasimihii Farsamada
Mawliid Maxamed Shaqale, Madaxii Shaqaalaha Wasaarada
Axmed Xuseen Warsame, Madaxii Barnaamijyadda TVga Qaranka
Abiib Iiman Xasan, Madaxii Wararka TVga Qaranka
Cali Axmed Cawaale, K/Xigeenkii Madaxa Wararka TVga
Yuusuf Maxamed Ismaaciil, Ag: K/Xigeenkii Wakaalada SOLNA
Saynab Maxamed Cabdi, K/Xigeenkii Madaxa Shaqaalaha.
Fiiro Gaara:
Isbeddelkani waa wajigii koowaad ee dib u habayn Wasaarada Warfaafinta, Dhaqana & Wacyigelinta. Waanu sii soonayaa isbeddelkani ilaa in la gaadhayo dib u habayn buuxda oo Wasaaradda qaybaheeda oo dhan ah heer kasta.
Allaa Mahad Leh