“Suldaanku Wuxuu Nagu Yidhi Wadanka Aynu Wada Ilaashanno, Guddoomiye Cirro-na Wuxuu Kaga Jawaabay In…”

0
35

Guddoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Sheekeeyey Kaftan Laysku Weydaarsaday Booqasho Ay Hoggaanka WADDANI Ku Soo Bariidiyeen Suldaanka Bariga 

ccc

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland   Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa gurigiisa ku booqday suldaanka ugu da’da weyn salaadiinta Somaliland Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo muddooyinkii danbe xanuun u jiifay.  Booqashadan ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehelinaayey xoghayaha guud ee aqalka Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle,  guddoomiye ku xigeenkii hore ee guddida Komishanka Doorashooyinka Md:Cali Khadar Xasan Cismaan(Cali Kubad)   iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga Waddani. Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ugu horeyn waraystay xaaladda caafimaad ee Suldaanka, waxaana uu Illaahay uga baryey in uu xanuunka ka dulqaado, caafimaad taam ahna uu siiyo sida oo kale uu cimrigiisa u barakeeyo. Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenkii hore ee KMQ Md:Cali Khadar Xasan Cismaan(Cali Kubad) oo xalay Wargeyska HUBAAL Wax ka weydiiyey jewigii booqashada ay ugu tageen suldaanka iyo xaalladiisa caafimaad ayaa sheegay in suldaanku iyo guddoomiye Cirro ay iska xaal waraysteen marxaladda lagu jiro isla markaana ay labada dhinac is weydaarsadeen  kaftan iyo dardaaran hoge tus ah oo ku dhereran xaaladda lagu jiro, “Odaygu waa kii shirkii tegey qolada dhulbahante, markaa 3 bilood buu halkaa  joogay runtiina wuu iska soo xanuunsaday, annaguna qoladayda Weftiga ahaa ee Guddoomiye Cirro na hor kacayay gurigiisa ayaanu ku soo booqanay. Booqashadayadana wuu u bogay oo wuu ku farxay” sidaa ayuu yidhi Mr. Cali Kubad, waxaanu intaa ku daray  “Runtii  kaftan guud baa na dhex maray, isaga iyo guddoomiyuhuna si bilaa turxaan ah baa ay u wada kafteen, waxa uu suldaanku  kula kaftamay guddoomiye cirro in saaxadda siyaasadda laga ilaaliyo xaraaradda, wadanku waa wadankeenii ee aynu wada ilaashanno oo berry ka maalin raggii talada wadanka qabanayay baad tihiin ee cagta u dhiga ayuu yidhi suldaanku, guddoomiyuhuna waxa uu ugu hal celiyey suldaan, xaqiiqaddu waxa weeye cid naga lexejeclo badan wadanka ma jirto, dadkuna sida ay na moodayaan ma nihin ee mar kasta annaga ayaa heegan u ah inaanu dhawrno milgaha wadankeena” ayuu Md:Cali Khadar Xasan Cismaan(Cali Kubad) yidhi. Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo ah suldaanka guud ee beelaha Habar-jeclo, ayaa muddooyinkii danbe u jiifay xanuun, isaga oo hada u muuqda in u sidii hore ka soo raynaayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here