“Suldaan Wabar waxaan ugu baaqayaa inuu ka mid noqdo Bulshada wanaagsan ee Gobta ah ee Reer Boorama oo uu dhinac ka raaco”

0
43

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali maxamed Warancadde, ayaa Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Awdal ku bogaadiyay siday isaga bari yeeleen Mawqifka Suldaan Wabar iyo siday uga hawl galeen xiisadda ka taagan Gobolka Awdal oo uu abuuray Suldaanka Falaagoobay “Waxaan jecelahay inaan halkan uga mahadceliyo Salaadiintii,Cuqaashii iyo waxgaradkii Reer Awdal ee sida qiimaha leh oo waddaninimo leh oo Ehelnimo leh uga hawl galay Shaqaaqadii yarayd ee Gobolka Awdal iyo sidii ay uga hadleen, waxaanan leeyahay waad mahadsan tihiin” ayuu yidhi Wasiirka oo maanta warbaahinta la hadlay.

Wasiir Cali Warancadde waxa kale oo uu tilmaamay inay Xukumaddu diyaar u tahay in Hantida Umadda loo sinnaado “Runtii Dawladda waa Dawlad Umadda reer Somaliland u dhalatay oo ka dhalatay, waxay diyaar u tahay in Si Caddaalad iyo Sinnaan ah ay Bulshada Somaliland , hadday Gobol tahay iyo hadday degmo tahay iyo hadday qaran tahayba inay waxa Hanti iyo Khayraad ah ee waddankani leeyahay  in Xukumadda uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu diyaar u yahay in si caddaalad ah oo sinnaan ah loogu qaybiyo”

 warancade 1

Wasiirka Daakhiliga oo Hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Madaxweyne Siilaaanyo Diyaar u yahay bogsiinta tabashada reer Awdal “Waxa kale oo runtii Diyaar loo yahay, horena loogu ahaa, haddana dhamaad ku dhaw sidii loo xallin lahaa tabashooyinkii Bulshada reer Awdal ama Salaadiintu soo gudbiyeen oo runtii dhamaad ah, iyadana wixii laga qaban karayo in laga qabto ayuu Madaxweynaha Somaliland diyaar u yahay si Bulshadu waxay tabanayso loo bogsiiyo” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu baaq u diray Suldaan Wabar-ka duurka galay “Suldaan Wabar waxaan ugu baaqayaa inuu ka mid noqdo Bulshadiisa wanaagsan ee Gobta ah ee Reer Boorama oo uu Bulshadiisa dhinac ka raaco, fadqalalada iyo waxyaabaha dalka dhibka ku keeni karana ka waantoobo”

Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyay Cabasho xooggan oo Salaadiinta Awdal wakhti sii horaysay ay u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo taasi oo ku salaysnayd tabasho dhanka Saamiga Kuraasida iyo Shaqaalaha oo Bulshada Awdal qabto.

Habsanka Arintaas ayaa gaadhay in Suldaan Wabar oo hogaanka dhaqanka ee Awdal uu duurka galo islamarkaana ku doodo in cabashadooda la dhegaysan wayay, sidaasi darteedna uu Xukumadda dagaal la galayo.

waayeelnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here