Suldaanka abtigay ah ee suldaan abu bakar cilmi wabar ujeedada uu xadka itoobiya ugu gudbay waa hindisayaal is barkan oo ku qotoma saddex ujeedo.
sadexdaa ujeedo mid ka mid ahi waa daahir yaa shamis labada kale wax aan ku tafsiiri karo ma hayo balse aragtidayda waa laba damac oo bulshada gobalka dabada lagaga soo tuuray.
Hadaba waxaan tafsiir ka bixinayaa qodobka ah daahir yaa shamis sidaasi darteed qodokan kowaad waa tabashadii waxgaradka iyo madaxdhaqameedka gobalka awdal ay u soo gudbiyeen madaxweynaha somaliland waana qodobka safarka suldaan wabar ku dahaadhan ee daahir yaa shamis ka dhigay dudmadiisa saddexlayda ah.
sidaas awgeed qodobkan tabashada ee madaxdhaqameedku usoo gudbiyeen madaxweyne Axmed-Silaanyo waa arin macquul ah waana ay ku sharfan yihiin inay madaxweynahooda u ban dhigaan wixii tabasho ah ee beeshu tirsanayso waana dariiq u furan guud ahaan madaxdhaqameedka beelaha somaliland.
Hadaba suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo ka mid ah Madaxdhaqameedka gobolka awdal oo ka mid ahaa salaadiintii gobolka ee madaxweynaha u soo gudbiyay tabashadabeesha samaroon ka tirsanayso dawlada somaliland gaar ahaan xukuumada wuxuu tabashadii kadib ka gudbay xadka u dhaxeeya somaliland iyo itoobiya wuxuuna ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiye u baxay aaayo ka tashiga beelaha gobolka awdal oo dulmi ka tirsanaaya somaliland.
Hadaba waa cibaaro iyo cajiib horleh waana dhaqamada salaadiinta casriga ah balse waxaan leeyahay Suldaan Wabar Abti safark aad xadka kaga gudubtay maaha safaradii salaadiinta lagu ogaaye waa mid siyaasadaysan oo bulshada somaliland ku cusube wuxuu se lamid yahay oo bulshada somaliland iyo wax garadkeedu la fajac san yihiin qorshaha iyo talada uu ku yimi wasiirka madaxtooyada somaliland ee madaxweynaha uun ka lushaa waxa uu kaga duwan yahay wasiirada kale ee xukuumadan oo qaarkood xilalka umada ay u hayaan ka mudan yihiin iyo sidoo kale wuxuu kaga duwan yahay wasiiradii xukuumadihii hore madaxtooyada ka wasiirada ahaa.
Sidaas awgeed Suldaan Wabaroow Adiga iyo Wasiir Xirsigan madaxweynaha ka lushaa waxaad umada u sheegtaan siyaasada aad ku dahaadhan tihiin iyo dhaqankan ku cusub somaliland .
WA BILAAHI TAWFIIQ
By> Mowliid Aadan Cumar Hargeysa
0634410898