Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Inuu Xadhigga Ka Daayo Raggii [Mucaaridka] Uu Tartanka Kaga Badiyey

0
22

“Anigu Waxan Leeyahay Madaxweynaha, Waar Ragga Haddaad Tartankii Ka Badisay, Inaad Ku Tiiqtiiqsato Waa Foolxumo, inaad wax la qabataa lagaa sugayaye, inaad xidho Lagaama eegayn” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

“Ninku Hadduu Madaxweyne Kugula Tartamay, Dee Madaxweyne Uun Baad Xidhay, Markaa Madaxweyne Madaxweyne Xidhana Lama Arag” Suldaan Maxamed

Hargeysa (Hubaal) Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir oo shalay u waramay HCTV, ayaa waxa uu ka digay cawaaqib-xumo ka dhalan karta dacwad la sheegay in Qoyska madaxweynuhu ka gudbiyeen guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali-waraabe, waxaana uu madaxweynaha ugu baaqay waa sida uu hadalka u dhigaye in arrimahaasi uu faraha kala baxo. “Arrintaas waxan u arkaa arrin dhibaato leh, dhibaatana keeni karta. Anigu waxan leeyahay madaxweynaha, waar ragga haddaad tartankii ka badisay, inaad ku tiiqtiiqsato waa foolxumo, rag aad tartankii ka badisay inaad xadhig ugu darto lagaama eegayn ee inaad wax la qabato lagaa sugayay, waayo doorasho dambe ayaa iman doonta, taasaana faallo cajiiba keeni doonta hadhowtoole. Ninku hadduu madaxweyne kugula tartamay, dee madaxweyne uun baad xidhay, markaa madaxweyne madaxweyne xidhana lama arag, oo dawladihii soo maray dalka, lama arag oo may dhicin madaxweyne xidhay raggii mucaaridka markaa ku ahaa. Asxaabta mucaaridku inay wax tilmaamaan xaq bay u leeyihiin, wixii khaldan ee markaa xukuumadda talada haysa ay ku dhaliilayaan, kuna caddaynayaan xaq bay u leeyihiin.” Ayuu suldaan Maxamed

Waxa uu intaasi raaciyey, “Haddii la leeyahay Qoyska madaxweynaha ayay kasoo fushay arrintaasi, dee nin waliba qoys buu ka dhashay, dee qoysna qoys ma xidhi karo.”

Suldaanku waxa uu ku baaqay in la sii daayo xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, Mr. ramaax oo xabsiga ku xidhan, “Ramaax arrintiisa waxan odhan lahaa, maadaama ninkii haystay uu sii daayay inay xukuumadduna faraha kala baxdo oo ay sii dayso.” Ayuu yidhi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here