Suldaan Maxamed Sul.Cabdiqaadir Oo Wasiir Cukuse Uga Digay Faragelin Uu Ku Hayo Kooxda Fanaaniinta Ee Xiddigaha Geeska
Suldaanka guud ee Somaliland suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka hadlay kooxda fanaaniinta xiddigaha geeska iyo doorka ay ka ciyaaraan fanka somaaliyeed Gaar ahaan Somaliland oo uu sheegay inay yihiin koox magac cusub oo wanaagsan ku soo kordhiyay fanka isla markaana xukuumadda u soo jeediyay inay sare u qaado dhanka fanka.