Weeraro Cirka ah Oo Sucuudigu Ku Qaaday Fadhiisimo Xuutiyiintu Ka Degenaayeen Dalka Yemen iyo Xawaarihii Kooxda Oo La Hakiyey

0
30

Sanca: (Hubaal)-Diyaaradaha Dagaalka ee Waddanka Sucuudiga, ayaa Xalay goor dambe weerarro ku qaaday Goobo Jabhadda Xuutiyiinta Dalka Yemeni ku sugnaayeen, waxana weerarradaas lagu micneeyey qaar lagu badbaadinayey Dawladda Sharciga ah ee uu hoggaamiye Madaxweyne Cabdirabah Mansuur.

weerarka yemenSafiirka Sacuudiga u fadhiya Mareykanka Adel al-Jubeir Said ayaa u sheegay inay difaacayaan dowladda sharciga ah ee Yemen iyo Madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi, kaasoo ka baxsanay qasrigii uu ka deganaa magaalada Cadan.

Safiirka ayaa sheegay in aanay aqbaleyn in la bur buriyo dowlad sharci ah, waxaana uu ugu baaqay Xuutiyiinta in caqligu shaqeeyo, kuna soo laabtaan wada hadalada.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa qarka u saaran inay la wareegaan magaalada Cadan oo ay ku sugan yihiin ciidamo daacad u ah madaxweyne Haadi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen qaraxyo waa weyn magaalada Sanca, gaar ahaan dhinaca garoonka diyaaradaha, halkaasoo ay ku xoogan yihiin Xuutiyiinta.

Madaxweynaha Yemen ee baqa cararka ku jira ayaa dhowaan ka codsaday dalalka Khaliijka inay fara gelin milateri ku sameeyaan dalkiisa, si ay looga hortago is ballaadhinta Xuutiyiinta.

Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Mohammed al-Bukhaiti ayaa ka digay howl galka Sacuudiga wado, isla markaana ay sababi karaan dagaalo ka dhaca gobolka.

Xoogaga Xuutiyiinta oo taageero ka helaya dowladda Iiraan ayaa bilihii la soo dhaafay waxay sameynayeen horumaro ku aadan halganka ay ugu jiraan inay xukunka uga tuuraan Madaxweynaha Yemen, kaasoo ka qaxay Caasimada Sanca.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here