Wasiirka Horumarinta Biyaha Hortegay Guddida Joogtada ah Ee Golaha Wakiillada
Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo shalay warbixin siiyay guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in sannadka innagu soo fool leh 2019 ay boqolkiiba todobaatan iyoo shan (75%) ay magaaladda Hargeysi heli doonto biyo. “annaga oo garanayna baahid biyaha loo qabo, iyo annagoo qiimaynayna waqtiga ay soo jiitantay iyo annagoo isleh runtii dadku samir yar may samayn, intay Hargyaysi biyo sugaysay. Maanta waxaan dadweynaha u sheegayaa in biyuhu sanadka soo socda ay biyuhu iman doonaan Hargeysa oo aynu buuxin doono, baahida dadkana wax badan ka qaban doono.” Ayuu yidhi Wasiir Koore, “iskamaanu odhan ee kormeer badan iyo xisaabtan badan iyo xidhiidhka hay’adaha oo meelkasta oo aanu isleenahay waxbaa ka iman waanu dhamaynnay.” Ayuu hadlakiisa sii raaciyay wasiirku