Somaliland Way Soo Dhaweynaysaa Maatida Reer Yamen: W/Q: Khadar Awrqli

0
30

Walaalaha reer Yamen ee dalka Somaliland door biday inay naftooda ku aaminaan waxaanu leenahay ku soo dhawaada gacmo furan iyo qalbsi san.

yemanDawlada Somaliland sida ka muuqaata waa mid marti gelin karta shacabka Yamen ee ka soo qaxay colaadaha hadheeyey dalkooda ee gaystay khasaare naf iyo maalba leh.

Sida aan warbaahinta qaar ka arkay waxaa la sheegay in 32 qof oo ka soo cararay colaada Yamen ay soo gaadheen gobolka Saaxil, gaar ahaana dekada magaalada Berbera, kuwaas oo la sheegay inay 12 saac ku soo jireen biyaha u dhexeeya Yamen iyo Somaliland.

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo waa mid ka go’an sida uu hore u sheegay xasilinta mandaqada iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, sidaas awgeed hadii maanta haya’ddihii jimciyada quruumaha a dhaxaysa u qaabilsanaa qoxoontigu ogol yihiin in dadk qaxoonti ah lagu qaabilo Somaliland waa guul u soo hooyatay dalkeena.

Qalalaasaha Yamen qoxoontiga ka soo yaacay waxay miciin soo bideen Somaliland iyo Jabuuti oo ay wadaagaan taariikh fac weyn oo dhanka wada noolaanshaha ah.

Marti gelinta Somaliland ee shacabka reer Yamen waa mid horseedi karta adkaynta xidhiidhka labada dal. Tusaale waxaa inoogu filan sida maanta dadkeenu ugu mahad naqaan dawlada itoobiya oo markii ay ka dhiidhiyeen kelidii taliyihii Siyaad Bare soo dhaweyn aanay ilaabi karin kala kulmeen.

Ugu danbayntii go’aanka xukuumada Somaliland ee ah inay xuduudaheeda dhanka badda u furtay qoxoontiga Yamen waxaanu leenahay waa go’aan noqon doona dhaxal gal ee madaxweyne adiga iyo xukuumadaadu waad ku amaantihiin.

Khadar Awrliq

Hargeysa-Somaliland

awrliq@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here