Bacda salaam waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta sharaf mudan ee dhexda u ah dadweynaha, waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka.
Bacda salaan, waxaan maanta jeclaystay in aan ka hadlo arrimo dadka qaar saxaafada soo mariyeen oo sheegaysa in Somaliland burburi doonto, hadii doorasho dhici weydo, nabad galaydu inay khalkhal galayso, illaahi nabada siiyey Somaliland haynoo siyaadsho ee balo sheega hala joojo.
Taariikh ahaan Somaliland haddii dib loo raaco halka ka soo bilaabmatay, hadii ay maanta joogi lahaayeen kuwo nabada carsho carshaynayaa malaha waa hore ayey hilfaha inoo laabi lahayaeen, Alxamdulilaah ilaahay ayaan inagu siman oo khayrka ina waafajiyey.
Waxaa la yidhi ilaabax iyo dhawr dhurwaa ayaa qadhaabsi tagay, dabeeto libaaxii ayaa hal dilay. Markaasu waraabayaashii qaybtoodii u soo tuuray, markii xoogaa la socday ayuu mid imtixaana oo dhurwaayada ku jiray yidhi sidani cadaalad maaha ee inagu celiya libaaxa xaqeena aynu ka soo dhacsanee. Waxaa lagu heshiiyey inuu isagu yidhaahdo “Libaaxow” dabeeto kuwa kalena ay ugu jiibayaan “Sidani cadaalada maaha” markuu libaaxow yidhi ayey ka wada amuuseen, dabeeto isagii ayaa ugu jawaabay “kaalay intana soo qaado”.
Muxuu taransaday, intii la siiyey ee weliba cadaalada ahayd ayuu waayey. Markaa dadweynaha waxaan leeyahay ishiinu ha dheeraato oo iska ilaaliya xumaata dhibaatada saaxiibkeen dhurwaa qabsatay oo kale.
Hadii maali kasta lagu wanaajiyo oo markaad subaxii soo toosto in wax lagu taray iyo in kale garan weydo waa mushkilad, in kastoo dadka qaarna ku tilmaamaan xanuun nafsi oo ku dhaca dadk qaar.
Somaliland xili ay ka fiican tahay sanadkaa maanta ah ma jirto, ninkii joogaybaa joogay. Umada khalkhalka halaga daayo oo midnimada iyo qaranimada Somaliland mee halooga soo wada jeesto, taasi waa iga talo waayeel. Somaliland inta aduunku jiro way jiraysaa.
Qallinkii:- Weli Cabsiiye