Somaliland Oo Qabsatay Ciwaannada Warbaahinta Caalamiga Ah Iyo Shacbiga Oo Taageeray Socdaalka Saameynta Yeeshay

0
16

Hargeysa(Hubaal)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 24kii saacadood ee u dambeeyey qabsatay ciwaannada Warbaahinta caalamka oo si weyn u qaadaa dhigay  dedaalka ay Somaliland ugu jirto qaddiyadeedda aqoonsi raadinta. Waxa Saxaafadda caalamiga ahi  soo bandhigeen in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi sidii loogu soo dhaweeyey Magaalada Conakry ee dalka Jamhuuriyadda Guinea bayaamisay in  Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi lagu  qaabiley meeqaamkii u sarreeyey isla markaana diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo lagaga qaaday Madaarka  lagu geeyey xarunta Madaxtooyadda,  halkaasi oo labada madaxweyne kulan ku yeesheen.

K24 TV  ayaa socdaalka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku fasiray “Tallaabo ay Somaliland hore ug qaaday dedaalkeeda aqoonsi raadinta.” Waxaanu Telefishanku uu ku sifeeyey Soomaaliya inay ka  hinaastay dhaqdhaqaaqyada ictiraaf raadinta  Somaliland  ay gaadhsiisay dalalka la jaarka ah  Afrika.

 

Wargeysyada  caanka ah ee Washigton Post, Daily Nation iyo Warsidaha African News ayaa baahiyey in tallaabada ay Soomaaliya ku dooday inay cilaaqaadkii u jartay Guina ay ka dhalatay markii Madaxweyne Muuse Biixi loogu soo dhaweeyey meeqaan qaranimo dalka Guinea oo uu ku tagay martiqaad uu ka helay Madaxweyne Alpha Conde.

Warbaahinta caalamiga ahi waxay qireen  in Somaliland ay  horeba xidhiidh la lahayd dalal badan oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta iyo  dalalka Yurub qaarkood.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Xukuumadda Farmaajo ku macneeyey  mid llaalo u baahan  oo aan wax yeeli karin Somaliland iyo dalalka kale ee ay xidhiidhka diblomaasiyadeed la sameynaysaba.

Geesta kalena, Shacbiga Somaliland ee ku dhaqan gobollada dalka  ay taageero miisaanle  u muujiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo ay ku bogaadiyeen socdaalka taariikhiga ah ee soo jiitay indhaha caalamka oo uu albaabada ugu soo furay iskaashi ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato dalalka galbeedka Afrika.

 

Cumar Maxamed Faarax

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here