Yeyle (Hubaal) Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa deegaanka Yeyle ku soo dhaweeyey Ciidan ka soo goostay Maamulka Puntland oo soo gaadhay halkaa.
Guddoomiyaha gobolka Sool iyo xubno kamida Taliska Boolis ee Gobolkaas, ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta Askartan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Deegaamada Gobolka, hase ahaatee dhawaan iyagoo maleeshiyaada Puntland qaramaysay.
Askarta la soo dhaweeyey oo hub iyo saanad kale oo milateriba wata, ayaa xubno kamida oo hadlay waxa ay sheegeen in Maamulka Garoowe sifo khaldan u gaxaystay, balse markii ay gunta ogaadeen ay ka soo laabteen.
Guddoomiyaha Gobolka Sool oo la hadlay Ciidankaas ayaa ugu baaqay Askarta kale ee Gobolka u dhashay ee wali dhinaca Puntland la jira inay dalkooda yimaadaan oo aan wax dhibaato ah loo geysanayn.
DAAWO:
Ma jiro wax war ah oo Maamulka Puntland ka soo saartay Ciidankan ka soo goostay.