Somaliland Oo Ka Jawaabtay Dacwad Soomaaliya Ka Gudbisay Socdaalkii Madaxweyne Biixi Ku Tagay UAE

0
18

Nairobi (Hubaal)- Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, Baashe Cawil Cumar ayaa  sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madax-bannnaan oo aanay jirin wax ka hor istaagaya inay la macaamisho dalalka kale ee caalamka. Danjire Baashe Cawil wuxuu sidaasi ku sheegay warbixin  uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada   Nairobi oo shalay  ay soo xigatay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA).

Wakiil Baashe Cawil wuxuu naqdiyey  Dawladda Soomaaliya oo  ka xumaatay  socdaalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku tagay dhowaan dalka Imaaraadka carabta oo ay heshiisyo hore u wada galeen Somaliland,waxaanu  cambaareeyey Soomaaliya oo  Golaha Ammaanka u gudbisay dacwad ka  dhan ah dalka Imaaraadka carabta oo ay ku haysato Socdaalkii Madaxweynaha Somaliland.

Danjire Baashe Cawil  wuxuu ku dooday inay Somaliland tahay waddan madax-bannaan oo sii wadaya inuu aqoonsi caalamiya ka dalbado dalalka caalamka.

Waxa kaloo uu xusay in   Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax fasax ah uga qaadaynin Soomaaliya   inay iskaashi la yeeshaan caalamka.

“Waxaan ku celinayaa in Somaliland ay tahay waddan madax-bannaan oo leh soohdimo la aqoonsan yahay, isla markaana ay leedahay dawlad la soo doortay. Somaliland waa u xor inay  cilaaqaad la yeelato dalalka caalamka ugamana baahna Soomaaliya wax fasax ah,”ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here