Istanbul(Hubaal) -Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in weftiga Somalia wada hadalada u soo diratay yihiin wax lala yaabo ama lagu qoslo “Waxaa wax lala yaabo ah ama lagu qoslo ah, halkii aynu ka sugaynay inay(Somalia) soo dirtaan dad ama Masuuliyiin wax u goyn kara oo ka soo jeeda dalkii Somalia ee Talyaanigu gumaystay inay soo dirtaan Dad ka soo jeeda Somaliland oo ku abtirsada dadka Bulshada Somaliland u taqaano dad sida umadda reer Somaliland ba dalalka caalamka ugu shaqo tagaan dad iyaguna dalka dariska aynu nahay ee Somalia u shaqo tagay. Lama gilayn loogamana fadhiyin Somalia inay tidhaahdo dad dalkeeda u shaqo tagay ayaa na matalaya, arrintaasi wax la aqbali karo maaha, wax loo dulqaadan karana maaha, Somaliland diyaar uma aha inay hor fadhiisato dadkaasi aan odhan karo waa Calooshooda u shaqaysteyaal” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.
Wasiirka daakhiligu waxa uu sheegay inay Beesha caalamka u sheegayaan in Somalia aanay diyaar u ahayn si labada dhinac si fiican u kala gurtaan. Waxa uu sheegay in Somaliland diyaar u tahay Wada hadalo hufan oo Somaliland la gasho dadka Somalia ka soo jeeda ee Somalia meteli kara.