Somaliland Ma Waxay U Baahan Tahay Hogaamiye Mise Madaxwayne
W/Q: Muhamed Hussein Jama- Muhamedamiin@Gmail.Com
Hordhac
Culimada ku takhasustay cilmi -nafsiga bulshada, waxay isla meel dhigeen dhamaan , ahmiyada uu u leeyahay hormarka iyo dhisida bulsho hogaamiye dhab ah .
Kama maaranto bulsha kasta oo caalamka ka jirta inay yeelato hogaamiye dhab ah ,kaasoo ku wajaha umadiisa xaga kheyrka iyo guusha kana ilaasha dhibka iyo cadowgaba .
Qeexida hogaaminta iyo hogaamiye :
Sida aan ka wada dheehan karno micnaha kalmada hogaamin waxaa weeye ( kartida ama awooda uu u leeyahay shakhsi saamaynta , dhiirigalinta , awoodsiinta shacabka si ay uga qayb qaataan guusha iyo hormarka ay hiigsanayso umadaasi ).
Hogaamiye : ( waa qof leh awooda hogaamiyenimo saameeyana habdhaqanka umadiisa uu hogaaminayo una jiheeya hadafka la wadaago )
Madaxweyne walba maahan hogaamiye wanaagsan , balse hogaamiye kasta oo wanaagsan wuxuu noqon karaa madaxweyne wanaagsan .
Astaamaha ama sifooyinka hogaamiyaha dhabta ah :
- Hogaamiyaha dhabta ah waa mid dareensan ahmiyada xilka uu hayo leedahay.
- Hogaamiyaha dhabta ah wuxuu diirada saaraa bulshada uu hogaamiyo Qaabka ay u noolshahay xaga dhaqan dhaqaale Iyo hilinka uu qarankaasi hiigsanaayo.
- Awooda hogaamiyaha waxay ka timaadaa haybadiisa iyo saamaynta uu ku yeeshay bulshadiisa ee kuma timaado magac , Mansab Iyo Maamul.
- Hogaamiyuhu waa kan awooda inuu xaalad kasta oo adag ku wajaho geesinimo iyo caqli badnaan .
- Hogaamiyaha dhabta ah wuxuu leeyahay go’aan qaadasho toosan oo saxan .
- Hogaamiyaha dhabta ah wuxuu leeyahay taageerayaal uu dhiirigaliyo guusha .
- Hogaamiyaha dhabta ah waa ka la tashta Saaxibal caqliga iyo dadka xigmadda la nool.
- Hogaamiyaha dhabta ah waa shaqsi Umadiisa u horseeda , Cadaaladda iyo Horumarka , Dantiisa gaarka ahna ka horeysiiya Danta Guud
- Hogaamiyaha dhabta ah wuxuu degaa Maskaxda Umadda Iyo Rabi taanka shacabkiisa.
Waxaa jira qaabab kala duwan oo uu u qaybsamo nidaamka hogaamintu (Leadership Style) iyo sifooyin kala duwan oo ay leeyihiin hogaamiyayaasha wanaagsan ee dadka ay masuuliyada u qaadeen kaga soo baxa balamaha ay u qaadaan.
Taariikh ahaan dunidani inta ay jirtay waxaa soo maray hogaamiyayaal farabadan, laakiin waxay taariikhdu xustay in yar oo ka mid ah oo iyaga laftoodu isugu jira kuwo dadkii ay talada u hayeen ay mahdiyeen iyo kuwo aan si weyn loogu riyaaqin.
Hadaba marka aynu u nimaadno siyaasada casriga ah oo ay kulamaanyihiin awoodo ciidan,falsafad balaadhan ,hanti iyo teknoolojiyada casriga ah qof ka doonaya in uu noqdo hogaamiye umadeed ma fududa in uu ku guuleysto hiigsigiisa sida uu isagu jecelyahay.
Qofkasta oo dunida guudkeeda ku nool waxaa hubaal ah in uu jecelyahay in uu noqdo hogaamiye, sidaa darteed wakhtigan casriga ah qofka doonaya in uu noqdo hogaamiye waxaa horyaala loolan adag oo aanuu keliya ku waajahaynin siyaasiyiin balse uu kula tartamayo malaayiin dad ah oo iyaga laftoodu maskaxda ku haya in ay noqdaan hogaamiyayaal.
Run ahaantii qofka wakhtigan casriga ku guuleysta hogaan dal, waa qof ka guuleystay kumanaan siyaasi maadaama iminka talada siyaasadu ay meelkasta taalo waana qof ay tahay in uu yeesho karti,dulqaad iyo hufnaan si uu u qanciyo dhamaan dadkii uu ka guuleystay.
Siyaasada qofka doonaya in uu dhexgalo siyaasada ee doonaya in uu gaadho mansab hogaamineed waa in ay ugu horeyn ku saleysnaataa diinta iyo dhaqanka bulshada uu doonayo in uu metalo, waana in uu noqdo qof meteli kara dhamaan bulshada uu doonayo in uu hogaamiyo isaga oo maanka ku haya in ay ku jiraan qaar 24 saacadood markeliya wax cuna iyo kuwo la’ meel ay kala dhigaan hantida ay haystaan.
Sidoo kale waa in uu maskaxda ku hayaa jiritaanka dabaqado kala duwan oo bulsho, waana in uu aqoon u yeeshaa dhulka iyo dhamaan bulshooyinka uu doonayo in uu metelo.
Inta badan marka la eego siyaasada casriga ah waxa ay siyaasiyiintu ku kala horeeyaan aqoonta ay u leeyihiin in ay bulshada ka dhaadhiciyaan afkaartooda iyo sidoo kale qorshayaasha siyaasadeed ee ay la yimaadaan kuwaas oo ay tahay in ay noqdaan kuwo u cuntama dadweynaha ay codka ka doonayaan.
Tasaale ahaan, marka uu musharax ka socda xisbi uu ku jiro ololaha siyaasada waa in uu ku soo bandhigo waxqabadka uu doonayo in uu hirgaliyo kaas oo ah muraayada ay dadweynuhu ka arki karaan kartidiisa shakhsiyeed iyo xisbigiisa, waxyaabaha uu doonayo in uu wax ka qabto waa in ay ku saleysnaadaan waxyaabo taabanaya baahida dadweynuhu wakhtigaasi qabaan.
Siyaasad ahaan marka aad dooneyso inaad kasbato bulshada waxaad u baahantahay karti iyo hanaan siyaasadeed oo wanaagsan , shakhsi ahaan waa in uu siyaasiga doonaya mustaqbal hogaamineed ka hufnaadaa taariikh hore oo cadaalad xumo,musuq,eex, iyo waxyaabo dhan ka ah dhaqanka ,diinta iyo hanaanka hor u socod ee umada.
Maxay yihiin astaamaha la jecelyahay ee hogaamiyaha wanaagsan?
Waa kuwee shakhsiyaadka ay tahay in lagaga daydo hogaaminta wanaagsan ee iyagu ku soo caanamaalay?
Maxay tahay Saameynta ay bulshadu ku leedahay hogaamiyaha wanaagsan?
Hogaamintu ma aqoon bey u baahantay mise waa karti loo dhasho?
Su’aalahan iyo jawaabohood oo faah faahsan waxaad kaga bogondoontaan qormooyinka soo socda oo aynu si weyn ugu eegi doono hogaaminta iyo cilmiga siyaasada casriga.
W/Q: Muhamed Hussein Jama
Muhamedamiin@Gmail.Com