Somaliland Jidka Ay Hadda Ku Socoto Waa Mid Aad U Qodxo Badan Oo Mustaqbalka Dalkan Mugdi Gelinaya

0
43

runtii waxa batay oo dibadda u soo baxay

* Qabyaalad, hadda ilaa masaajidkii ayey maraysaa inta ay xafiisyada dowladda ka soo unkantay.

* Eex, shaqo kasta oo xukuumaddani qabaynayso waxa ay noqotay mid eex ku salaysan, ama qof ayaa laga eexanayaa oo wax uu xaq u lahaa la duudsiyayaa, ama qof ayaa loo eexanayaa oo wax uuna lahayn ayaa la siinayaa.

* Hay’adihii dowladda ayaa noqday kuwa aan shaqayn oo fadhiid ah, wasaarad kastaa wax aan ka badnayn saddex saacadood ayey furanyihiin, wax umadda wax qabad u lehna laguma hayo.

* Musuqmaasuq, waa xar galay dhammaan laamihii dowladda, taas oo cidna ka qarsoonayn, heer ayuu wasiir kastaa marayaa uu la tartamo ganacsatadii la yaqaanay, waxa uu kula tartamayaana waa lacag uuna hore u haysan laakiin se nidaam qaloocan uu ku helay.

* Dilaalid iyo dabar-goyn hanti ummadeed, markii laga gudbay xaraashkii guryihii dowladda, ayaa waxa loo gudbay in dowlado shisheeye lacag lagaga qaato kaabayaashii dalka kuwii ugu mihiimsanaa, laga ma fiirinayo danaha qaranka ugu jira iyo khataraha qarankan ay ku leedahay.

ceebahaa waxa sababaya in wasiir kasta waxa lagu soo xushaa ay tahay qabyaaladda inta uu ka yaqaan, wasiir kastaa waxa uu noqday mid aan dan qaran u joogin, mid aan uba haysan xilka uu hayo in uu yahay hanti qaran, se waxa uu ogyahay in reernimo ku fadhiyo, waxa xilka ka saaranna yahay jufada uu ka dhashay.

wasaarad kasta waxa markaa xidhay wasiir reer hebel ah oo aan ahayn wasiir qaran, wasaarradihiina waxa ay noqdeen col wada yaal oo waxba wada qabsan karin.

Qiso sheekha Cali-Mataan tukiyaa ka sheegeeyey ayaa ahayd, hooyo ku nool waqooyiga Hargeysa oo abaar ba’ani ku dhacday, in ay 5 neef u soo lugaysiisay Hargeysa, waxa ay cidla kaga timid carruurtii ay dhashay mid ay dhabarka ku sito mooyee, abaarta haysa waxa u dheer raashin la’aan haysa, waana sababta ay u soo kaxaysay xoolaha. Ma haysato nool ay ku soo saarto gaadhi, se waxa ay miciin bidday in laba habeen soo lugaysiiso, neefafkii markii ay keentay sayladda cidiba kama ay iibsan, waxa ay noqdeen wax wayd ah, laba wayba ku dhinteen sayladda, kaddib inta ay halkii ka dhaqaajisay iyada oo faro-madhan ayey istaankii tagtay. Saddexdii neef wax ay kaxaysato ma leh, nool ma ay hasan markii horeba, ilmaha dhabarka u saaran waxba uma hayso, kuwii ay cidlada kaga timid wax ay u hayso ma leh.

Hooyadaasi waxa ay miciin bidday in ay iska oydo, ax!! maxay ku noqon ee nool u ah, carruurtii cidlada ay kaga timid maye, iyadii maxay haysataa, maxay nool kaba dhigan?.

yaa u maqan iyada iyo boqolaal la mid ah? kuwii u maqnaa ee xilka u hayey waa kuwaa dibara-dhacsiga iyo damiir xumada maqaaxiyaha ku cilaaqtamaya.

Qalinkii: Xuseen Mahdi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here