“Wixii ka dambeeya 26-ka June 2015 ma aqoonsanin xukuumadda” mucaaridka
“Wasiiradu wixii ka dambeeya 26-ka June waa inay ku wareejiyaan hawlaha ay hayaan agaasimayaasha” mucaaridka
“26-ka June haddii ay doorashadu qabsoomi weydo ma suurtii qiyaamaha ayaa la afuufayaa” xukuumadda
“xukuumaddu wey sii joogay saa xataa haddii 26-ka June doorasho dhici weydo” xukuumadda
hadal-haynta Toddobaadka hadalada iyo jawaabaha kulul ee mucaaridka iyo xukuumaddu isweydaarsanayaan
Tani maaha mid gayiga Somaliland ku cusub oo marka ay soo dhawaato muddo xileedka xukuumadda waxa sare u kacda xaraarada siyaasadeed oo dalka oo dhan laga dareemo,bulshadeedana saameyn ku yeelata,sida caadada ah dalka Somaliland waxa loo baqaa marka wakhtigan oo kale inkasta oo ay mushkiladaheeda xalisato Somaliland,hadana shantii sanno ee kastaba waa xaalad aan laga gudbin oo aan layla meel dhigin sidii aanay kuwa dambe u dhici lahayn haddii maanta ay dhacday oo waxaadba moodaa inuu qodob dastuurka ahi dhigayo in laysku qabsado oo marka shanta sanno ee xukuumadda la doortay dhamaato ama ay soo dhawaato dalku galo xaalad xadhig maran ah oo jic laysu noqdo,waa mid loo xaal waayay in la helo xukuumad xiligeedu markuu dhamaado doorasho qabata,waana loo caalwaayay in muddo kordhin waxa la yidhaa meesha aanay imin, sida dawladda federaalka ah ee Somalia iyana ay jiqda isku noqdaan madaxweynaha iyo reysal wasaaruhu oo hawlihii oo dhan istaagan oo dalku uu galo marxalad xun,waxaana labadan dawladood markay arrimahan loogu kala dawgalay yimaadan,ayaa ah kuwa inta badan aanay dhexdhooda xalku noqon balse dawladdo shisheeya dhexgalaan,taas oo aad is odhan karto inuu yahay virus ay sameeyeen dawladdaha reer galbeedka oo ay kala dhexdhigaan soomaalidan soddonka sanadood aan saaniga ahayn.
Toddobaadba wax baa ugu hadal-hadayn badan geyiga Somaliland oo bulshada ku dhaqan ay isla dhexqaadaan,dhanka warbaahinta kala duwan ee Somaliland iyana waxa ay ku foognaadaan oo ay wax ka qoraan ama ka faaloodaan hadalada hadba markaa ka taagan somaliland haday noqoto dhanka siyaasadaha dibeda iyo haday noqoto mid Somaliland dhexdheeda ah oo ka taagan xukuumadda iyo asxaabta mucaaridka,hadaba toddobaadkan aynu soo qaadano waxyaabaha ugu hadal-haynta badan gaar ah hadalada toddobaadyadan laysa dhex wareegayo ee warbaahinta laysu marinayo.
Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay oo aynu mid ka mid ah maalmihiisa ku jirna waxa geyiga Somaliland ugu hadal-hayn badnayd doorashooyinka oo la filayo ama wakhtiga ay dalka ka qabsoomi doonaani ay inaga xigaan maalmo aan sidaa u sii badnayn oo waaba 26-ka June ee sanadkan aynu ku jirno.
Hadaba xukuumadda Siilaanyo ayaa mudda xileedkeedu ku eeg yahay 26-ka June 2015 iyadoo ay sidaa tahay ayaan hadana wax hawlo ama dhaqdhaqaaq oo doorashooytinkan muddadaas aynu soo sheegnay wakhtigoodu yahay ahi aanu muuqan,sidaa daraadeedna ay asxaabta mucaaridka ayaa hadalo kala duwan oo kul-kulul hawada u marinaya xukuumadda siilaanyo oo muddadii shanta sano ahayd ee la doortay ay gabaabsi tahay.
Hadalada mucaaridka ayaa u badan maalinta ay gaadho 26-ka June Siilaanyo madaxweyne uma aqoonsanin,halka qaar kale ay leeyihiin doorasahdu haddii ay 26-ka June qabsoomiweydo xukuumadda iyo wakiilada waa in la kala diraa,waxa iyana hadalkan mid ka soo horjeeda hawada marinaya wasiirada xukuumadda siilaanyo oo odhanaya xukuumaddu way sii shaqeynaysaa xataa haddii 26-ka June doorashadu ku qabsoomi weydo,isla markaana soo daliishanaya dastuurka iyo xeerar ay ku macnaynayaan inuu u ogolaanyo inay xukuumaddu sii joogto haddii doorasho qabsoomi weydo oo siddaa ay shaqadeedu u sii soconayso
waxaan ku soo gabagabaynayaa “xaalaadda xiliyadan oo kale dalka ka bilaabanta ma dastuurka ayaa dhigaya?”
Qalinkii: Mustafe Maxamed Cabdilaahi (Faro)
Hubaal Media Network
Somaliland