26June, Waa maalin wayn oo inoogu astaysan,Xornimo, mudo aynu ku hoosjirnay maxmiyaddii ingiriiska, Waa maalintii ugu horraysay ee caro Soomaaliyeed laga taago Calan, Waa malintii ay curatay dawladd tii ugu horaysay ee ay somaaliyi yeelato oo ahayd jamhuuriyadda Somaliland. 26june, waxaynu ku tilmaansanaa, Wakhtigii la helay midhihii halgankii dheeraa ee gobonimo doonka , hala wayneeyo, hana la xuso 26june, waa tariikhdeenii, waa halka ay fadhido garnaqsigeena xaq u lahaanshiyaha helitaanka ictiraaf qarankani helo, waxay marag u tahay xuduudihii gumaystaha.
Waxaan hambalayo u dirayaa shacabwaynaha jamhuuriyada somaliland Munaasibadda 26june.
Qiiraddii, damaashaadkii iyo raynrayntii maaliintaasi, oo shacabka reer somaliland aad ugu oomanaayeen helitaanka gobanimadooda, waxa riyo iyo uqaadanwaa ku ahaa helitaanka dawllad ay somaliyi maamulayso, waxay u hiloobeen in ay mar uun arkaan , gumaystihii oo ka kacay iyo dawladnimo xor ah, Abwaan timacade ayaad gabaygiisii kana siib kana saar, waxaad ka dheehanaysaa ama ka dhex sawirnaysaa sida loogu jeelanaa helitaanka dawladnimadda iyo in gumaystaha la iska kiciyo
Haddaba maalintan oo ahmiyad wayn inoogu fadhidda , waxay inaga mudan tahay in la wayneeyo oo la dabaaldago, maaha in Somaliya dabaaldagyadda laga abaabulayo ee ku xumaynta shacabka reer somaliland iyo dawladoodda aanay dhag u dhigin ee ay wayneeyaan, Waa ceeb inaad taariikhdaada marti aad u noqoto ama cidkale kaa xigtaysato ama aad u nacdo somaliya ayaa xusaysa, waxay wax ku yihiin kuwaa somaliya joogaa xinkaaga iyo xumaantaadda, noqo mid akdaysi iyo kalsooni ugu xirsi xidha difaaca qarankiisa, iyo noolaynta raadadka taariikhiga ah sida maalinta oo kale , Abwaan Timacade AHN- 26 june 1960 waa kiii lahaa
soomaaloo calan taagta
saakay noogu horreyso
in sidayda tihiin iyo
in kalaanan saxaynnine
saddex wiig iyo maalmo
haddaan soor cuni waayo
safrad laygama yaabo
sari mayso naftaydo e
saaxirkii kala guurraye
sarreeyow ma nusqaamow
an siduu yahay eego e
kaana siib kanna saar
Waddaniyadd, dal jacayl iyo midnimo ,
Allahu akbar Somaliland ha noolaato