Aalaaba waxa guulwadeynta iyo in la ammaano jecel shaksiyad aan isku kalsooneyn. Ammaanta waxa doona shakhsi taariikhdiisu aanay shishleyn. In la faaniyo waxa ku raaxeysta shakhsiga ka arradan wax qabadka. In loo heeso waxa raadiya shakhsi kabaya ama isleh qari gol-daloolooyin iyo ceebo uu leeyahay..
Waxa baryahan dambe JSL ku soo badanaya anshax xumo aynaan dhaqan u lahaan jirrin. Dhaqan xumidan waxaan u maleynayaa in aynu ka dhaxalnay talisyadii ka tallin jiray wixii la isku odhan jiray Somali Republic. Waxaan xasuusanahay heesihii arlada qarqiyey ee lagu ammaani jiray Af-Weyne. Heesahaa iyo halheysyadaa cidda laga waayo ama ku balweyn wayda wuxu taliskaasu u aqoonsanaan jiray dambiilayaal, sobobna waxa ay u noqon jirtay in xabsiga laguu taxaabo, mararka qaarkoodna dil ayaaba lagu mutaysan jiray.
Nasiib darro ismaan laheyn oo marnna kuma fakirrin dhaqanka caynkaas ah ayaa lagu arki doonaa oo ka shaqeyn doona JSL.
Ismaan laheyn shaksiyaad Reer Somaliland ah oo ku suntan halgankii xaq-udirirka oo sumcad ku leh bulshada ayaa jecleysan doona in loo balweeyo oo loo guulwadeeyo sidii nidaamkii ay dadka iyo dalkaba ka xoreeyeen.
Dadka u guulwadeynaya madaxda dalka maanta ee moodaya in ay wanaag u tarayaan, waxa hubaal ah in ay wax u dhimayaan oo ay meel kaga dhacayaan shakhsiyadda madaxda. Waxana wanaagsan in ay sidaas madaxdu gartaan.
Aalaaba waxa guulwadeynta iyo in la ammaano jecel shaksiyad aan isu kalsooneyn. Ammaanta waxa doona shaksi taariikhdiisu aanay shishleyn. In la faaniyo waxa ku raaxeysta shakhsiga ka arradan wax qabadka. In loo heeso waxa raadiya shakhsi kabaya ama isleh qari goldaloolooyin iyo ceebo uu leeyahay.
Sifooyinkaas oo dhan astaan uma aha in badan oo madaxda dalka ee maanta. Laakiin waxa isweydiin leh maxaa maanta madaxda dalka kalifay in ay u raxleeyaan guulwadeynta? Ma laga yaabaa in ay jiraan qaar iyagu sifooyinka kor ku xusan leh oo doonaya in ay isku kabaan ammaanta iyo guulwadeynta? Mise waxaaba jira qaar iyagu doonayaba in sumcaddaa iyo taariikhda wanaagsan ka dhooqeeyaan madaxda dalka ee sharafta inaga mudan?
Gunaanad:
Ceeb weyn baa loo arkaa madaxda iyo mas’uuliyiinta dhageysaneysa guulwadeynta. Heesaha ammaanta shakhsiga ah ee madaxda dalka ee laga sii daayo warbaahinta waxa la mid noqoneysaa tii laga diiday Af-Weyne iyo qeyrkiiba. Waxa haboon in gebi ahaanba la joojiyo. Waxaan kula talinayaa madaxda dalku in ay talaabo ka qaadaan arrintaas oo ay amar ku bixiyaan in la joojiyo guulwadeynta dabarka goosatay. Haddii kale waxa ay u eekaaneysaa in ay kusii sinqayaan nidaam kalidii talisnimo oo iskii isku boqra oo kibraya.
Waxanu sheegayaa in guulwadeynta iyo khasab ku balweyntu wax ay yeesho mooyee aanay guul u soo hoyneyn cidda wadata.
Waxanu ku tallin lahayn in aanay warbaahinta xukuumaddu u eekaan tii Af-Weyne Barre iyo Xidigtii October. Waxa kale oo aanu kula tallin lahayn bahda suugaanleyda iyo fanaaniinta Reer Somaliland in aanay ku deg-degin currinta, abuuridda, allifaada iyo ku heeska iyo ku balweynta sugaanta guulwadeynta.
Waa in ay qaataan murtidii dhaxal galka aheyd ee AHN Gaariye ee aheyd, “KHASAB KUMA BALWEYN KARO”!!
Wanaagga la qabtay iyo hor-u-marka oo aan qirayo in ay badan yihiin oo la sheegsheego lana dhiiri geliyo ayaa haboon in loo heeso oo loo balweeyo oo la tusaaleeyo. Wanaagga la gaadhay oo si guud dawladda jirta loogu ammaano ayaa wacan oo aanay ceebi ku jirin lamana diidi kari taas.
waaheen media